SOOMAALIYA OO XAQIIJISAY IN DHULKEEDA EY KU JIRAAN MACDANTA YUURANIYUMKA.

(MUUQAALKA)-MW-XASAN SHEEKH.

(MUQDISHO/SOMAIA)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in dalka laga xaqiijiyay jiritaanka ama inuu leeyahay kheyraad macdaneed muhiim ah oo ay ka mid yihiin uranium, lithium iyo cobalt, kuwaas oo uu ku tilmaamay qayb ka mid ah khayraadka dabiiciga ah ee Soomaaliya. Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa hadalkan ka sheegay xilli uu magaalada Muqdisho ka furayay Madasha Maaliyadda Horumarinta Soomaaliya, oo diiradda lagu saaray kobcinta dhaqaalaha, soo jiidashada maalgashiga iyo xoojinta ilaha dakhliga dalka. Wuxuu sheegay in Soomaaliya ay leedahay kheyraad dabiici ah oo ballaaran, oo ay ku jiraan macdanta dhulka hoostiisa, kalluumeysiga, xoolaha iyo beeraha, balse loo baahan yahay khibrad, maalgashi iyo iskaashi caalami ah si si buuxda looga faa’iidaysto. “Maanta dunidu waxay si weyn u danaynaysaa macdanta, gaar ahaan waxa loo yaqaan macdanta dhifka ah. Haddii ay tahay uranium, lithium, cobalt iyo kuwo kale oo badan oo dunidu hadda raadineyso, waxaa la xaqiijiyay inay Soomaaliya ku jiraan,” ayuu yiri madaxweyne Xasan Sheekh. Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in dowladda ay xoogga saarayso abuurista jawi ku habboon in maalgashadayaasha Soomaaliyeed iyo kuwa caalamiga ah ay dalka ku soo laabtaan. Wuxuu tilmaamay in kalsoonida maalgashadayaasha ay ku xiran tahay xasillooni, sharciyo cad iyo hay’ado awood u leh inay si hufan u shaqeeyaan, Arrintaas ayuu ku xiray horumarinta warshadaha, kaabeyaasha dhaqaalaha iyo nidaamyada fududeynaya ganacsiga. Madasha Maaliyadda Horumarinta Soomaaliya ayaa lagu soo bandhigay qorshayaal dowladda ay sheegtay inay ujeeddadoodu tahay ballaarinta kobaca dhaqaalaha, kordhinta maalgashiga iyo dhisidda saldhigyo dhaqaale oo horseeda horumar waara. Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud si rasmi ah uma xusin halka rasmiga ah ee macdantaasi laga helay iyadoo dowladda hadda ku howlan tahay soo saarista shidaalka.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

SUXUFI K/AFRIKA U DHASHAY OO LAGU LA’AYAHAY DALKA JABUUTI.

Next
Next

YEMEN: KHUBARA IRAANIYIIN AH OO SANCA LAGA AFDUUBTAY.