SOOMAALIYA OO TARTAMAYSA XILKA…
(SAWIRKA MIDIG ILAA BIDIX)-MUSHARIXIINTA XILKA MADAXWEYNAHA BAARLAMAANKA ADDUUNKA(SOMALIA,TANZANIA,MALAWI IYO SENIGAL).
(SOMALIA)-Dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yahay wadamadda Qaaradda Afrika kuwooda xurnimada qaatay sannadkii 1960-kii waxaane hadda laga joogaa 63-sano,Soomaaliya ayaa ka soo muuqatay Golayaal badan oo caalami ah waxa eyna Madax ka soo noqotay Xilal fara badan oo Afrika leedahay,hadaba Soomaaliya ayaa hadda u tartamaysa Xilka Madaxweynaha Baarlamaanada Adduunka(IPU) waxaane xilkaan u sharax Xildhibaanad Marwa Cabdibashir Xaaji oo hadda ah Gudoomiye ku xigeenka Gudiga Khyraad ee Golaha Shacabka ee BJFS. Xildhibaanad Marwa ayaa waxaa tartanka kula jiro seddex kale oo dumar ah kana soo kala jeedo wadamadda{Senigal,Tanzaniya,Malawi},dhammaan dumarkaan la tartamaayo Xildhib.Marwa ayaa haayo xilal dalalkoodu leeyihiin iyo kuwa ey Qaaradda Afrika leedahay. Arrinta la yaabka leh ayaa ah in Xildhib.Marwa u tartanto xilkaan ayaa waxaa ka soo horjeedo RW-Xamsa iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Haruuse mana la yaqaano sababta arrintaan keentay.
ISH/ALLBANADIR.