SOOMAALIYA OO SHIR KAGA QEYBGASHAY JAMHUURIYADDA AFRIKADA DHEXE.
(SAWIRKA)-WASIIR XAANGE.
(BANKU)-Wasiir Ku-Xigeenka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiqafaar Cilmi Xaange, ayaa maanta ka qeyb-galay furitaanka shirka sanadlaha ah ee Wasiirrada Maaliyadaha dalalka Afrika ee loo yaqaano (๐๐๐ซ๐ข๐๐๐ง ๐๐๐ฎ๐๐ฎ๐ฌ-๐๐๐๐), kaasoo sanadkan ey martigalinayso Jmahuuriyadda Afrikada Dhexe (Central Africa Republic). Shirkaan ayaa waxaa sanadkaan diiradda lagu saarayaa horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha,u adkeysiga marxaladaha ka dhasha saameynta cimilada iyo arrimaha kale, sidoo kale waxaa lagu falanqeynayaa sare u qaadidda aqoonta iyo maalgalinta mashaariicda lagu horumarinayo deegaanka si looga dhigo mid cagaaran. Shirka Wasiirrada Maaliyadda dalalka Afrika waxaa sidoo kale ka soo qeyb galay Hayโadaha Caalamiga ah ee ka qeyb qaata arrimaha maalgalinta sida IMF iyo Bangiga Adduunka, halkaasoo Dowladaha ka soo qayb galay shirkaan ey kusoo bandhigayeen qorshayaashooda gaarka ah oo ey doonayaan in loo maalgaliyo. Dowladda Soomaaliya waxay dadaal xoogan ugu jirtaa sidii loo helilahaa Mashaariic Horumarineed oo ka qeyb qaadata sare u qaadidda Dakhliga Gudaha. Dhinaca kale,dalalka Soomaaliya iyo Indonesiya ayaa heshiis Visa-laโaan ah ku kala saxiixday Baasaboorada Diblomaasiga iyo kan Shaqaalaha Dowladda, ka dib kulan rasmi ah oo Wasiirrada Arrimaha Dibadda ee labada dal ku dhex maray magaalada Jakarta ee caasimadda dalka Indonisiya. Kulanka waxaa lagu xoojiyay xiriirka laba geesoodka ah iyo iskaashiga dhinacyada Ganacsiga, Waxbarashada, Beeraha, Caafimaadka, Kalluumaysiga, iyo Arrimaha Badda. Dalka Indonesiya waxay ayaa ballan qaaday taageero Farsamo iyo Deeqo Waxbarasho, iyadoo Soomaaliya lagu dhiirrigeliyay ka qeybgalka Barnaamijyada KNB, Darmasiswa iyo TIAS. Labada dhinac ayaa sidoo kale adkeeyay doorkooda dhexdhexaadnimo iyo wada-shaqeynta ey la leeyihiin Ururka Iskaashiga Islaamka (OIC), iyagoo ku boorrinaya iskaashi dheeraad ah oo ku saleysan Qiyamka Islaamka.
ISHA-SNTV.