SOOMAALIYA OO SHIR GUDOOMISAY SHIRKII AU-DA EE MAANTA.
(SAWIRKA)-WASIIRU DAWLAHA AHNE KU SIMAHA WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA SOOMAALIYA Md.XILDHIBAAN CALI BALCAD.
(ADDIS ABABA)-Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa shir Gudoomineysay shirarka Hordhaca u ah kulanka Guud ee Ururka Midawga Afrika oo ka furmay caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa. Wasiiru Dawlaha ahne ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Dawladda Federaalka Soomaaliya Md.Xildhibaan Cali Cumar(Cali Balcad) iyo wafdi balaaran ee uu hogaaminaayo ayaa magaaladda Addis Ababa kaga qeybgelaya shirar kala duwan oo hordhac u ah kulanka guud ee sannadlaha ah ee Midawga Afrika. Kulamada qabsoomay waxaa qeyb muhiim ah ka ahaa shir ey isugu yimaadeen gudiga qaabilsan nidaaminta iyo qorsheynta jagooyinka kala duwan ee Midawga Afrika oo ey tartamaan Madaxda iyo Dalalka Afrika,gudigaas oo ey xilligaan hogaanka u hayso Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Kulankaan waxaa sidoo kale ka qeybgalay Danjiraha JFS ee dalka Itoobiya Md.C/laahi Maxamed Warfaa,saraakiil sar sare oo ka mid ah Wasaaradda Arrimaha Dibadda XFS iyo diblomaasiyiin ka tirsan Safaaradda JFS ee dalka itoobiya,iyadoo sidoo kale ey kulanka soo xaadireen dhammaan dalalka xubnaha ah gudiga waxaane shir gudoomiyey Wasiir Dawlaha ahne ku simaha Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya Md.Xildhibaan Cali Cumar(Cali Balcad). Gudiga ayaa shirkooda kaga arrinsaday qorshayaasha taagan ee hortebinta u leh dalalka ku bahoobay Midawga Afrika,iyagoona soo bandhigay wadamadda iyo Madaxda Afrika ee sannadkan u baratamaya jagooyin fara badan oo ey tartan xoog leh ugu jiraan qaar ka mid ah dalalka iyo masuuliyiinta Afrika oo ey Soomaaliya ka mid tahay. Kulanka gudiga oo ey shir gudoominaysay JFS ayaa si gaar ah loogaga hadlay dadaalka iyo tartanka ey Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ugu jirto hanashada iyo Hogaaminta Gudiga Amniga iyo Nabadgelyada Midawga Afrika ee sannadaha 2025 ilaa 2026-ka. Wasiir Cali Balcad ayaa markii shirku soo dhammaaday waxa uu la hadlay Warbaahinta Qaranka isagoo hoosta ka xariiqay in marka laga tusaale qaato dadaalka ey mudooyinkaan dambe waday DFS uu yahay mid guul wen u soo hoyin doono Qarankeena isla markaane ey Soomaaliya natiijo miro dhal ah ka gaari doonto dadaalka ey ugu jirto hanashada iyo hogaaminta Golaha Amniga iyo Nabadgelyada Midawga Afrika.
ISHA/SNTV.