SOOMAALIYA OO QEYGELEYSA KULANKA 18-AAD.
(SAWIRKA)-CABDI XAASHI OO U SAFRY.
(NAIROBI)-Wararka ka imanaayo caasimadda dalka Kenya ee Nayroobi ayaa sheegaayo in dalka Kenya lagu wado inuu Martigeliyo shirka 18-aad ee Af-hayeenadda Baarlamaanadda Dawladdaha Xubnaha ka ah Ururka Bulshada Bariga Afrika ee EAC-da kaaso socon doono muddo laba maalmood ah 12-ka iyo 13-ka bishaan-2024-ka, shirka ayaa ka dhici doono Huteelka lagu magacaabo Emara Ole-Sereni ee magaaladda Nayroobi. Shirkan oo ah mid sannadle ah ayaa waxaa isugu imaanaayo Madaxda ugu sareyso Baarlamaanada dalalka Xubnaha ka ah Ururka Bulshada Bariga Afrika EAC si ey uga wada hadlaan Arrimaha Xasaasiga ah ee la xiriira is dhexgalka Gobolka. Kulankaan waxa uu daba socon doonaa diyaarinta kalfadhi loo qabanaayo Xoghayayaasha ka socdo Sharci-dejinta ee EAC-da,kuwaaso ku kulmi doono isla goobta aan soo sheegnay marka laga bilaabo 12/11/ilaa 13/11/24-ka. Karaaniyadaan oo u adeegaayo sidii saraakiil farsamo ee shirka,ayaa masuul ka ah abaaulka Ajendaha diyaarinta dukumintiyadda lagama maarmaanka u ah kulanka. Xafiiska Af-hayeenadda ayaa isugu yeeri doono Madaxda Baarlamaanadda ee ka kala socdo Baarlamaanada Dalalka Xubnaha ka ah EAC-da,Guurtida iyo Golaha Sharci dejinta ee Bariga Afrika(EALA).
ISHA-KW.