SOOMAALIYA OO MARKII LABAAD XUBIN KA NOQOTAY GOLAHA AMAANKA QR.
(SAWIRKA)-WASIIR FIQI OO FADHIYA UN-KA.
(NEW YORK)-Maanta oo Khamiis ah kuna beegan 6/6/2024-ka ayaa waxaa loo balansanay in Xarunta Qaramadda Midoobe ee magaaladda New York ee dalka Maraykanka in lagu qabto kal fadhigii 78-aad ee Golaha kaaso lagu soo dooranaayo shan Xubnood oo cusub oo ku soo biiraayo Xubnaha aan Joogtada ahayn ee Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe(UNSC),Xubnahaan ayaa bedeli doono shan xubnood uu muddo xileedkooda uu ku eg yahay dhammaadka sannadkan-2024-ka kalana ah”Mosambiik,Japan,Ekwadoor,Malta iyo Switzerland”. Golaha ayaana doortay shan xubnood oo cusub aan joogta ahayn muddo laba sano ah oo ka bilaabanayso 1-da Janaayo-2025-ka kun Eg 31/12/2026-ka,shanta wadan ee maanta la doortay ayaa kala ah Denmark oo ka soo baxday Wareega Yurubta Galbeed heshayne 184-Cod, Giriiga oo ka soo baxay Wareega Yurubta Galbeed oo isna helay 182-Cod,Pakistaan oo ka soo baxday Wareega Asiya Pasific oo heshay 182-Cod,Panama oo ka soo baxday Wareega Laatin Ameerika iyo Kareebiyaanka waxa ey heshay 183-Cod iyo Soomaaliya oo ka soo baxday Wareega Qaaraddaq Afrika oo heshay 179-Cod”,wadamadda baneey doono kuraastaan ayaa kala ah” Afrika Mosambiik, Asiya Japan, Laatiin Ameerika Ekwadoor iyo Yurubta Galbeed Malta iyo Switzerland”. Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe ayaa ka kooban shan iyo toban xubnood,shan ka mid ah waa Joogto oo isma bedelaan waxa eyna leeyihiin awooda loo yaqaano VETO waane”Maraykanka,Ruushka,Faransiiska,Ingiriiska iyo Shiinaha”,tobanka kale waa Xubahan aan joogtada ahayn ey Soomaaliya hadda ku biirtay. Shanta dal ee hadda ku biiray Golaha Amaanka ee Qaramadda Midoobe ayaa horay boosaskaan u soo qabtay waane sidaan: Soomaaliya waxa ey horay xubin uga soo noqotay hal mar(1970 ilaa 1971), Pakistaan 7-jeer, Panama 5-jeer, Denmark 4-jeer iyo Giriiga 2-jeer”.
ISHA/SB-MEDIA.