SOOMAALIYA OO LOO XUKUMAY DHULKEEDII EEY SHEEGATAY KENYA.
(MUQDISHO):Dalka Soomaaliya waxaa maanta laga xusay maalinta calanka Soomaaliyeed oo leh maalin isaga u gaar ah,dhinaca kalane maanta waxa eey ahayd maalintii eey shacabka Soomaaliyeed meel joogaanba sugaayeen go’aanka maxakamadda Cadaaladda Adduunka(ICJ) go’aankaasoo ku saabsan dacwadda badda ee u dhexeeyso Soomaaliya iyo Kenya taaso soo jiitamaysay tan iyo sannadki 2014-kii waqtigaasoo maxadweyne Xasan Sheekh Maxamuud uu u gudbiyey maxkamadda,dacwadaan ayaa soo martay heerar kala duwan iyo isku dayo aad u fara badan oo la rabay in lagu xagal daaciyo balse madaxda Soomaaliyeed ayaa gashaanka u daruurtay dhammaan isku dayadaas in lagu hor istaago dacwadaan maanta soo afjarantay.Hadalhayanta badda Soomaaliya iyo Kenya ayaa waxaa eedeeda dusha loo saaray xukuumaddii uu hogaaminaayey madaxweyne Sheekh Shariif sheekh Axmed iyo Raysal Wasaare Cumar C/rashiid,Wasiir C/raxmaan C/shakuur Warsame oo markas ahaay wasiirkii saxiixay heshiiskii afgaradka ee dhalliyey muranka,seddexdaan masuul ayaa soomalidu ku dheganeed mudo ka badan toban sano una haysatay ineey iibsadeen badda Soomaaliyeed waxaase cadaatay in iyagu yihiin kuwa badbaadiyey baddii la rabay in la boobo maantana eey u noqotay maalin la amaano lana raaligeliyo,hadaba markii la soo saary go’aankii Kenyana waaga ku baryey ayey warbaahinteeda gaarka ah u dhaqaaqday ineey ka hadasho go’aanka maxkamadda gaartay waxa eeyna siiyeen cinwaano kala gedisan,waxaan halkaann idiinku soo gudbihaa qaar ka mida cinwaanadaas waxaane ka mida:
1-Muranka badda ee u dhexeeyo Soomaaliya iyo Kenya muxuu ka yiri Qaaligii Maxkamadda ICJ? waa cinwaan lagula jeesjeesaayo Qaaligii xukunka riday,waxaa qoray wargayska caanka ka ah Kenya ee Daily Nation.
2-Maxkamadda ICJ waxa eey xukuntay in Kenya eeysan faragelin madax banaanida Soomaliya?Waa cinwaan u muuqdo jeesjees waxaane qoray Daily Nation.
3-Maxkamadda ICJ waxa eey Soomaaliya siisay inta badan dhulkii badda eey sheganaysay Kenya.Waxaa qoray cinwaankaan wargayska Star-Kenya.
4-Maxkamadda sare ee qaramadda midoobay waxay u ixsaantay Soomaaliya muranka xuduud badeedka ee badweynta Hindiya.Waxaa cinwaankaan qoray wargayska Star-Kenya.
5-Kenya waxa eey u tahay D-Day muranka badda ee kala dhexeeyey Soomaaliya.Waxaa qoray cinwaankaan wargayska The Nation-Nairobi.
6-Xoghayaha golaha wasiiradda ee Kenya ayaa yiri”Kenya ma dhiibi doonto hal INJI(One Inch) oo eey siiso Soomaaliya dhulka lagu muransanay eey u xukuntay maxkamadda ICJ.Waa waraysi uu qaaday K24-Tv. Intaas cinwaan iyo kuwa ka sii badan ayaa maanta laga qoray arrinta go’aanka maxkamadda ICJ waxaase ila nasiib darro ah in dalkeeyna leeyahay telefishano iyo idaacaddo fara badan balse Soomaaliya maka jiro hal wargays oo bulshadda caalmka u soo bandhigo shucuurta shacabka Soomaliyeed sida go’aanka maxkamadda ICJ gaartay,dawladdii hore waxa eey leheed waragaysyo kala duwan kuna soo baxo afaf kala duwan mana jirin waragays eey leeyihiin xisbiyo madax banaan,tusaale ahaan waragysyadda waxaa ka mid ahaay Wagayska Xidigta Oktoobar oo soo bixi jiray maalin kasta marka la reebo Jimcada,waragayskaan ayaa ku soo bixi jiray afafka Soomaliga iyo Carabiga halka maalinta Jimcaha eey soo bixi jireen Wargaysyadda Heegan(English) iyo Aldhaliicah(Arabic).ABKEEY-SOMALIA.