SOOMAALIYA OO LOO DOORTAY XIL MUHIIM AH.

(SAWIRKA)-HAWEENKA IGAD.

(MOMBASA-KE)-Wararka aan ka heleyno magaalo Xeebeedka Mombasa ee dalka Kenya ayaa sheegaayo in dalka Soomaaliya loo doortay Gudoomiyaha Madasha Haweenka,Nabada iyo Amniga ee Urur Goboleedka IGAD (IWPSF). Marwo Sacdiya Maxamed Nuur oo ah Agaasimaha Horumarinta Haweenka ee Wasaaradda Qoyska iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka ee XFS ayaa kulan ka dhacay magaaladda Mombasa ee dalka Kenya loogu doortay Gudoomiyaha Madasha Haweenka Nabada iyo Amniga ee Urur Goboleedka IGAD (IWPSF). Wasaaradda Horumarinta Qoyska iyo Xuquuqul Insaanka Soomaaliya ayaa bogaadisay dadaaladda wadajirka ah ee kooxda hogaanka cusub oo ey ku jiraan Gudoomiye ku xigeenka Amer Manyok Deng oo ka soo jeedo dalka Suudaanta Koonfureed iyo Xoghayaha oo loo doortay Hon.Dora Byamukam oo u dhalatay dalka Ugaandha. Urur Goboleedka IGAD iyo Dawladaa Xubnaha ka ah ayaa wada dadaalo lagu xaqiijinaayo Amniga iyo Nabadda Gobolka,gaar ahaan dalka Suudaan,kooxdaan ayaa ka shaqeyn doonto Horumarinta Ajendaha Haweenka,Nabadda iyo Amniga Gobolka.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

DFS OO DALKA DIB UGU SOO CLEISAY DHALLINYARO DHA..

Next
Next

RW-XAMSE OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKII GOALAHA.