SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIRKA IORA.

(MUUQAALKA)-ASTAAN.

(DELHI/INDIA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shirweynaha Ururka Iskaashiga Dalalka ku Teedsan Badweynta Hindiya (IORA) ka sheegtay mudnaanta ay siinayso amniga badda, ilaalinta kheyraadka badda iyo sugidda marin-biyoodka caalamiga ah ee ganacsiga, iyadoo ku baaqday in iskaashiga dalalka gobolka lagu saleeyo sharciga caalamiga ah iyo dhowrista madax-bannaanida dalalka. Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya, Cali Maxamed Cumar (Cali Balcad), ayaa Soomaaliya ku metelay shirkii 25-aad ee Golaha Wasiirrada Ururka IORA, oo Jimcihii ka qabsoomay magaalada New Delhi ee dalka Hindiya. Shirkan oo ah hay'adda ugu sarreysa go'aan-qaadashada ururka ayaa waxaa ka qaybgalay wakiillo ka socda dalalka xubnaha ka ah, iyadoo diiradda lagu saaray siyaasadaha iskaashiga gobolka, amniga badda iyo xoojinta xiriirka dhaqaale iyo diblomaasiyadeed. Khudbaddiisa shirka, Wasiiru-dowlaha Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa soo bandhigay afar arrimood oo uu sheegay inay muhiim u yihiin danaha istaraatiijiga ah ee Soomaaliya iyo guud ahaan dalalka ku teedsan Badweynta Hindiya. Qodobada uu xusay waxaa ka mid ah: Xoojinta amniga iyo badqabka badda, Ilaalinta kheyraadka dabiiciga ah ee badda, La-dagaallanka kalluumeysiga sharci-darrada ah iyo Sugidda amniga marinnada caalamiga ah ee maraakiibta ganacsiga. Cali Balcad ayaa sidoo kale mar kale adkeeyay madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya, isagoo ku baaqay in iskaashiga dhinaca badda lagu saleeyo shuruucda iyo heshiisyada caalamiga ah. Soomaaliya ayaa leh xeebta ugu dheer qaaradda Afrika, waxayna ku taallaa marin-biyood istaraatiiji ah oo isku xira Gacanka Cadmeed iyo Badweynta Hindiya, kaas oo ay maraan maraakiibta ganacsiga ee isaga kala goosha Aasiya, dalalka Khaliijka iyo Yurub. Kulankaan 25-aad ayaa waxaa ka soo qeybgalay Wasiiro ka kala socdo dalalka “Soomaliya, Malaysiya, Singa Buur, Muriishiyuus, Siishelis, Siiri Lank, Imaaraatka Carabta, Austriya iyo Indonisiya”. Halku dhega kulanka ayaa ah” HAL ABUUR, FURFURNAAN, ADKEYSI IYO LA QABSIGA GOBOLKABADWEYNTA HINDIYA”.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

MW-XASAN OO BOOQDAY HOYGA EY TAALO TACSIDA MARXUUM CALI C/LAHI COSOBLE.

Next
Next

MIDAWGA AFRIKA OO BOGAADIYEY DFS HORUMARKA EY KA SAMEYSAY DOORASHOOYINKA GOLAYAASHA DEGAANKA.