SOOMAALIYA OO HADASHAY MAGACA KOOXDA A3+ EE UN-KA.

(SAWIRKA)-ERGADA SOOMAALIYA EE UN-KA.

(NEW YORK)-Soomaaliya oo ku hadleysay magaca waddamada la isku yiraahdo A3+ (Aljeeriya, Guyana, Sierra Leone, iyo Soomaaliya) ayaa warbixin ka horjeedisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, iyada oo muujisay walaac xooggan oo ku saabsan xaaladda Yemen iyo colaadaha ka taagan gobolka. Soomaaliya ayaa waxay si gaar ah uga digtay isku dhacyada cusub ee u dhexeeya Xuutiyiinta iyo Israa’iil, kuwaasoo ay ku tilmaantay inay khatar ku yihiin nabadda caalamka, isla markaana si toos ah ula xiriira dagaalka aan xal loo helin ee ka socda Marinka Qaza. A3+ waxay si adag u cambaareeyeen Jebinta Sharciga Caalamiga ah, iyagoo ugu baaqay Beesha Caalamka in la gaaro xabbad-joojin deg deg ah oo waarta si wax looga qabto dhibaatada Falastiiniyiinta iyo in laga hortago fidinta colaadda gobolka. Waxay taageereen dadaallada diblomaasiyadeed oo ay hoggaaminayaan Mareykanka, Masar, iyo Qatar si loo sugo xabbad-joojin rasmi ah oo Gaza laga hirgeliyo, waxayna Golaha Ammaanka ugu baaqeen inuu garab istaago dhammaan dadaallada lagu xaqiijinayo xasilooni iyo wada-hadal miro dhal leh. Sidoo kale, A3+ waxay cambaareeyeen weeraradii Xuutiyiintu la beegsadeen Maraakiib ganacsi oo ka shaqeynayay Badda Cas, kuwaasoo ay ku sheegeen inay halis ku yihiin Ganacsiga Caalamka. Duqeymihii Israa’iil ka geysatay gobolka Hudaydah 6–7-dii Luulyo ayaa sidoo kale si adag loo dhaliilay, iyadoo loo arkay khatar weyn oo lagu gumaadi karo shacabka rayidka ah, loogana dhaxli karo fidinta colaado hor leh. Dalalka A3+ waxay carabka ku adkeeyeen in dhammaan dhinacyada isku haya Yemen ay ku waajib tahay inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah ee bini’aadantinimo, gaar ahaan Xeerka Afaraad ee Geneva, islamarkaana laga fogaado militareynta goobaha ay dadku ku badan yihiin. Warbixinta ayaa sidoo kale muujisay walaac weyn oo laga qabo xaaladda bani’aadantinimo ee ka jirta Yemen, iyadoo la sheegay in cudurada sida duumada, dengue, iyo shuban biyoodka ay ku furmeen dadka, taasoo cadaadis hor leh saartay nidaamka caafimaadka. Soomaaliya waxay taageertay baaqa OCHA ee ah in si deg deg ah loo gaaro Yemen lana fududeeyo marin u helka gargaarka.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

WASIIRKA WARFAAFINTA XFS OO QAABILAY DANJIRAHA SHIINAHA EE SOOMAALIYA.

Next
Next

SOOMAALIYA IYO LIIBIYA OO KENYA GELI KARA VISA LA’AAN,SABABTA?