SOOMAALIYA OO DISHAY SARKAAL SARE OO KA TIRSAN GOLAHA SHUURADA ALSHABAAB.

(SAWIRKA)-US DRONES.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa shaacisay in hawlgal qorsheysan oo ay si wadajir ah u fuliyeen Hay'adaha Sirdoonka iyo Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyagoo kaashanaya saaxiibbada caalamiga ah, lagu dilay horjooge sare oo ka tirsanaa Golaha Shuurada Al-Shabaab, laguna magacaabi jiray Macalin Jinaaw Ibraahim. Shir jaraa'id oo uu ku qabtay Muqdisho, Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, ayaa sheegay in hawlgalku dhacay 5-tii Luulyo 2026, kaddib baaritaan iyo daba-gal socday muddo 14 bilood ah. Sida uu wasiirku sheegay, duqeynta ayaa ka dhacday deegaanka Sabiyo, oo u dhexeeya degmooyinka Afgooye iyo Basra ee gobolka Shabeellada Hoose, halkaas oo horjoogaha lagu bartilmaameedsaday isagoo ku sugnaa cariish ku dhex taalla beer, isla markaana ay ilaalinayeen maleeshiyaad ka tirsan Al-Shabaab. Wasiir Fiqi ayaa sheegay in Macalin Jinaaw uu ka mid ahaa aasaasayaashii Al-Shabaab, isla markaana uu ahaa xubinta sagaalaad ee Golaha Shuurada kooxda. Wuxuu intaa ku daray in horjooguhu door muuqda ku lahaa hoggaaminta jabhadaha dagaallama, ururinta lacago baad ah oo laga qaado shacabka, iyo abaabulka dagaallada kooxda, isagoo sidoo kale ahaa la-taliye sare oo dhow la ahaa hoggaamiyaha Al-Shabaab, Axmed Diiriye (Abuu Cubeyda). Wasiirku wuxuu ku eedeeyay Macalin Jinaaw inuu mas'uul ka ahaa falal ka dhacay gobollada Bay, Bakool, Hiiraan iyo Galgaduud, kuwaas oo ay ku jiraan dilal, qasab lagu askareeyo carruur, hub ka ururin beelaha iyo cabburinta waxgaradka deegaannadaas. Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in dowladda ay xaqiijisay geerida horjoogaha kaddib markii la helay xog sirdoon oo caddeysay inuu ku dhintay duqeynta, isagoo xusay in tani ay qayb ka tahay howlgalada lagu bartilmaameedsanayo hoggaanka sare ee Al-Shabaab. Wuxuu sidoo kale sheegay in sannadihii u dambeeyay la dilay tiro ka mid ah madaxda sare ee kooxda, islamarkaana howlgaladu ay sii socon doonaan ilaa laga bartilmaameedsado dhammaan hoggaamiyeyaasha Al-Shabaab. Ugu dambeyn, Wasiirka Gaashaandhigga ayaa hambalyo u diray Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo hay'adaha amniga, isagoo sidoo kale uga mahadceliyay saaxiibbada caalamiga ah taageerada ay siiyaan howlgalada ka dhanka ah Al-Shabaab.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

AKOONKA BARTA X EE QUNSULIYADA UK EE QUDUS OO LA JOOJIYEY.

Next
Next

HAYADAHA AMAANKA LIBIYA OO SOO QABTAY MAGEFAYAAL SOOMAALI AH.