SOOMAALIYA OO BAAQ U DIRTAY URURKA MIDAWGA AFRIKA IYO QARAMADA MIDOOBE.

(SAWIRKA)-WASIIRUL DAWLAHA ARRIMAHA DIBADDA SOOMAALIYA Md.CALI BALCAD.

(MUQDISHO)-Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya ayaa ugu baaqday Xubnaha Ururka Midawga Afrika iyo Qaramada Midoobe iney Mawqif Mabda’a ah ka qaataan heshiiska Aan Sharciga ahayn ee is-afgaradka ahaa ey kala saxiixdeen dalka Itoobiya iyo Maamulka Gooni u Goosadka ah ee Somaliland,iyo si loo cambaareeyo Weerarka aan loo meel dayin ey Itoobiya ku hayso Madax-banaanida dalka Soomaaliya. Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya qoraal ey ku daabacday barteed(X) ee horay loogu yaqiin TWITTER-ka waxa ey dib ugu soo cusbooneysiisay diidamada Qayaxan ey Soomaaliya ku diidan tahay waxa loogu yeeray”Heshiiskii Is-afgaradka”kaaso ey kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland,waxayne Wasaaradu ku tilmaantay Heshiiskaasi inuu yahay Midaan Sharci ahayn oo ey ka dhigan tahay Xadgudub bareer ah. Madax banaanida,Midnimada iyo Wadjirka dhuleed ee Soomaaliya iyo ku Xadgudubka Khatarta ku ah Sharciga Caalamiga ah. Wasaaradu waxaa kaloo ey ka digtay in ficiladda Itoobiya ey halis ku yihiin Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika,waxayna ugu baaqday dalalka Xubnaha ka ah Ururka Midawga Afrika iyo Qaramada Midoobe iney Mawqifkooda Mabda’a ah ka qaataan Heshiiska Is-afagaradka ah ee sharci darradda ah isla markaasne ey cambaareyaan Itoobiya oo aan Qiil u hayn waxa ey sameysay ee ah Gardarada ka dhanka ah Madax banaanida,Midnimada dhuleed iyo Midnimada Soomaaliya.

ISHA/ALSHARQ AWASAT.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

MW-ISMACIIL CUMAR GEELE OO BXIYEY WARAYSI XASAASI AH.

Next
Next

SHIRKA MADAXDA URURKA MIDAWGA AFRIKA OO ..