SOOMAALIYA IYO MIDAWGA AFRIKA OO KA WADA HADLAY XOOJINTA AMNIGA…..

(MUUQAALKA)-XARUNTA HSJ.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya, Mudane Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa xarunta dhexe ee Hay’adda ku qaabilay wafdi uu hoggaaminayay Idriss Mounir Lallali, Agaasimaha Xafiiska La-dagaallanka Argagixisada ee Midowga Afrika. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Soomaaliya iyo hay’adaha Midowga Afrika ee dhinacyada amniga, socdaalka iyo maareynta xuduudaha, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa wada-shaqeynta hay’adaha ay khuseyso. Qodobada muhiimka ah ee kulanka lagu gorfeeyay waxaa ka mid ahaa wadaagista xogta amniga iyo socdaalka, iyo la socodka dhaqdhaqaaqa dadka looga shakisan yahay inay ku lug leeyihiin falalka argagixisada, gaar ahaan dadka isaga gudba xuduudaha Soomaaliya. Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ayaa sidoo kale wafdiga Midowga Afrika u soo bandhigtay horumarka ay ka samaysay xaqiijinta iyo hubinta amniga xuduudaha, iyadoo adeegsanaysa teknoolojiyadda casriga ah iyo nidaamyo dhijitaal ah oo lagu maareeyo xogta socdaalka. Nidaamyadaas ayaa lagu sheegay inay gacan ka geysanayaan hagaajinta maamulka xogta socdaalka, xoojinta socdaalka sharciga ah iyo awoodda hay’adaha dowladda ay u leeyihiin inay ogaadaan dhaqdhaqaaqyada laga yaabo inay khatar ku yihiin amniga dalka. Kulanka ayaa sidoo kale lagu adkeeyay muhiimadda ay leedahay in hay’adaha dowladda Soomaaliya iyo hay’adaha gobolka ay yeeshaan wada-shaqeyn joogto ah iyo is-dhaafsi xogeed, si wax looga qabto khataraha amni ee xuduudaha isaga gudba. Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Xuseen Qaasim Yuusuf, ayaa carrabka ku adkeeyay muhiimadda iskaashi dhow oo dhex mara Soomaaliya iyo hay’adaha gobolka, isagoo sheegay in wada-shaqeyntu ay muhiim u tahay xoojinta dadaallada looga hortagayo argagixisada iyo dambiyada xuduudaha isaga gudba, iyadoo isla markaana la fududeynayo socdaalka sharciga ah. Kulankan ayaa qeyb ka ah dadaallada lagu xoojinayo isku-xirka hay’adaha amniga iyo socdaalka ee Soomaaliya iyo kuwa gobolka, gaar ahaan dhinacyada maareynta xuduudaha, xog-is-weydaarsiga iyo ka hortagga khataraha amni ee ka dhasha dhaqdhaqaaqa sharci-darrada ah ee xuduudaha.

ISHA-GJ.

Next
Next

SAFAARADDA SHIINAHA EE SOOMAALIYA OO CAMBAAREYSAY HADALKII CIRRO.