SOOMAALIYA IYO IMF IYO BANGIGA ADDUUNKA OO WADAY SHIRAY.

(AWIRKA)-WASIIRKA MAALIYADDA XFS.Md.Biixi.

(NAIROBI)-Wasiirka Maaliayadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Md.Biixi Imaan Cige ayaa maanta magaaladda Nairobi ka daah-furay shirkii dib u habeynta Maaliyadda Dawaladda Federaalka Soomaaliya iyo Hayadda Lacagta Adduunka(IMF),shirka ayaa lagu gorfeynayey lix bilood ka dib hanaankii deyn cafinta waxa iska bedelay dhaqaalaha Soomaaliya iyo halka la hiigsanaayo 3-da sano ee soo socoto. Wasiirka Maaliyadda ee XFS Md.Biixi oo furitaanka shirka hadal kooban ka jeediyey ayaa sheegay in Wasaaradda Maaliyadda iyo Guud ahaan Hayadaha Dawladda Federaalka Soomaaliya ey gaareen Horumar la taaban karo oo ey ugu horeeyaan Horumarinta ilaha dakhliga oo dadaal dheer ey gelisay Wasaaradda Maaliyadda oo kaashanaysa Wasaaradaha Dwalad Gobleedyadda dalka. Wasiirka Maaliyadda ee XFS Md.Biixi ayaa ku amaanay Hayadda IMF iyo Bangiga Aduunka sida Hufan oo ey ula shaqeeyeen Dawaladda Soomaaliyeed,sidoo kale,Wasiirka ayaa u mahadceliyey dhammaan Hayadaha ka soo qeybgalay kulankaan oo ey ka mid yihiin Wasaaradda Qorsheynta Qaranka,Wasaaradda Cadaaladda,Bangiga Dhexe,Xafiisyadda Madaxweynaha iyo kan Reysal Wasaaraha iyo Xisaabiyaha Guud.

ISHA/SBTV.

Previous
Previous

MINNEAPOLIS: WIIL AFAR JIR AH OO MEYDKIISA LA SOO HELAY.

Next
Next

SOOMAALIYA OO KA QEYBGASHAY SHIR KA DHACAY NAIROBI.