SOOMAALIYA IYO AZERBAJAAN OO HESHIIS KALA SAXIIXDAY.

(SAWIRKA)-WASIIRADDA SOOMAALIYA IYO AZERBAJAAN.

(KAMPALA/UGANDA)-Wararka laga helaayo caasimadda Kambaala ee dalka Yugandha ayaa sheegaayo in Dowladda Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Azerbaijan ey ku hishiiyeen in Baasaboorada Diblumaasiga ah ee labada dal aan looga baahneyn wax dal-ku-gal ah(VISA). Hishiiskan ayaa yimid ka dib markii Wasiiru-Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cali Maxamed Cumar Balcad, oo shir uga qaybgalayay caasimadda Uganda ee Kampala, uu hishiis is-afgarad kula saxiixday Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Azerbaijan, Mudane Samir Sharifov. Markii la saxiixayay heshiiska, waxaa goob joog ka ahaa Xoghayaha Joogtada ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Mudane Xamse Aadan Xaadoow, iyo Danjiraha Soomaaliya ee Uganda, Amb. Fardowsa Maxamed Qanyare. Labada Wasiir ayaa intii kulankooda socday ka wada hadlay sidoo kale xoojinta xiriirka labada dal, kaasoo sanadihii ugu dambeeyay si weyn u sii xoogeysanayay. Heshiiskan wuxuu muujinayaa sida Soomaaliya ay u soo ceshatay sumcaddeeda caalamiga ah iyo kaalinta ay ku leedahay faafitaanka xiriirka diblumaasiyadeed ee adduunka.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

SEDDEX WADO OO MUHIIM AH OO LAGA FURAY MUQDISHO.

Next
Next

FARANSIISKA IYO INGIRIISKA OO KA HADLAY TAHRIIBKA BADDA.