SOOMAALIYA DEYNTA MALAGA CAFIN DOONAA?
(SAWIRKA)-BANGIGA ADDUUNKA.
(WASHINGTON)-Wararka ka imaanayo Xarunka Bangiga Adduunka ee ah Caasimadda Dalka Maraykanka ee Washington DC ayaa sheegaayo in kobaca dhaqaale ee dalka Soomaaliya uu ku yimid hoos u dhac dhan 0.8% sida lagu ogaaday dib u eegis lagu sameeyey kobaca dhaqaalaha Soomaaliya ee sannadkan dhammaadka ah ee 2023-ka. Warbixin ka soo baxday Bangiga Adduunka ayaa sheegayso in kobaca dhaqaalaha dalka Soomaaliya uu maraayo 2.8% halkii uu ahaay sannadkii inaga tegay(2022)-ka 3.6%. Soomaaliya ayaa lagu wadaa in bartamaha bishaan Disembar-2023-ka in la soo afjari doono deynta lagu leeyahay taaso ka timid dawladda Kacaanka ee uu hogaaminaayey Maxamed Siyaad Barre,waxaane dalka Maraykaka soo gaari doono todobaadka soo socdo MW-Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi balaaran uu hogaaminaayo si ey Bangiga Adduunka ugala xaajoodaan deyn Cafinta dalka Soomaaliya oo soo jiitamaysay wax ka badan sodon sano.
ISHA/HIIRAAN.