SOOMAALI IYO AFQAANISTAANIYIIN DIB LOO DEJIYEY DALKA FINLAND.

2020091113200681856.jpeg

Toban caruur ah oo aan waalidkood la socon iyo kuwa qaan gaar ah oo dhammaantood megengalyo doon ah ayaa soo gaaray dalka Finland ka dib markii laga soo qaaday dalka Giriiga maalintii Jimcaha-21/5/2021-ka sida eey warsaxaafadeed ku sheegtay hayadada socdalka Finland.

Marka laga soo bilaabo bishii todobaad ee sannadkii hore-2020-ka waxaa dalka Finland soo gaaray dad megangalyo doon ah oo eey tiradooda gaarayso 169-qofood taasoo macnaheeda tahay ineey yihiin qaxooti loo sameeyey dib u dejin lagana keenay gobolka Miditereeniyaanka waana la dhammaystiray hawshooda. Xafiiska socdaalka ee dalka Finland oo sharaxaad ka bixyey halka eey ka soo jeedaan qaxootigaan ayaa sheegay in inta badan qaxootigaan la keenay dalka Finland kasoo kala jeedan dalalka Soomaaliya iyo Afqaanistaan,caruurta ka mida qaxootigaan soo gaaray Finland ayey da’adoodu u dhexeysaa wax ka yar sannad ilaa todobo iyo toban jir(0-17),waxaane jiro tiro yar oo qaxooti ah oo Finland kaga imaan doono dalalka Talyaaniga,Giriiga iyo Jasiiradda Malta. XIGASHO WAKAALADO.

RIIX HALKAAN.

Previous
Previous

BASHIIR OO LACAGO CADIIN AH U XAWILAY SOOMAALIYA.

Next
Next

GANACSADE BASHIIR OO LAGU AASAYA NAYROBI.