SOMALIYA OO DIIDAY…
XILDH.CALI BALCAD.
(MUQDISHO)-Todobaadkii hore ayey ahayd markii uu Reysal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uu sheegay in dalkiisa u baahan yaha Deked ey wax uga soo degaan si shacabka faraha badn ee Itoobiya u helaan nolol la mid ah tan ey haystaan wadamada Itoobiya la derisk ah kana tira yar shacabka Itoobiya ee gaarayo boqolka Milyan oo qofood. Itoobiya waxaa deked u ahayd kuwa ku yaalo dalka maanta loo yaqaano Eritrea,dalkaan ayaa Itoobiya ka xoroobay 1993-dii waxa uuna noqday dal ka madax banaan dalka Itoobiya waxaane caasimad u ah Asmra ey ku taalo deked caalami ah oo hadda saldhigyo ciidan u ah wadamo ka tirsan adduunka sida Imaaraatka Carabt iyo Isra’iil. Dawladda Federaalka Soomaaliya ayaa iska diiday dalabka Itoobiya ee ah in Badda Cas wax laga siiyo si ey wax ugala soo degto, Wargayska Bloomberg ee ka soo baxa Maraykanka oo waraystay Wasiiru Dawlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya Xildhibaan Cali Cumar ayaa soo daabacay maanta oo Arbaca ah(18/10/23)-ka in Soomaaliya iska diiday codsiga Itoobiya ee ah in Badda Cas wax laga siiyo.
ISHA/CAASIMADA.