SHIRKII 55-AAD EE MADASHA DHAQAALAHA ADDUUNKA.

(SAWIRKA)-HALKA UU KA DHACEYSO MADASHA DHAQAALAHA ADDUUNKA.

(DAVOS-SW)-Magaaladda Davos ee dalka Switzerland waxaa maanta oo Isniin ah ka furmay Madasha Dhaqaalaha Adduunka(WORLD ECONOMIC FORUM),waa shir sannadla ah eyna ka qeybgalaan masuuliyiin kala duwan kana kala yimid Adduunka daafihiisa,waxa uuna socon doonaa inta u dhexeeyso 20-ka bishaan Janaayo ilaa 24-ka isla bisha Janaayo-2025-ka. Ka qeybgalayaasha kulanka 55-aad ee Madasha Dhaqaalaha Adduunka ayaa waxaa ka mid ah Madaxweynaha la doortay ee dalka Maraykanka Donald Trump oo maanta loo dhaarinaayo xilka Madaxweynaha 47-aad ee dalka Maraykanka,waxa uuna Madasha kaga qeybgeli doonaa Video Link, Madaxweynaha Yukreyn Zelensky, Reysal Wasaaraha Jarmalka Olaf Scholz. Waxaa ka qeybgelaayo Madasha Dhaqaalaha Adduunka ee Davos 3-kun Hogaamiye kana kala yimid 130-dal, 350-Hogaamiye dawladeed oo ey ku jiraan 60-Madaxweyne. Mawduuca Madasha ayaa ah”Iskaashiga da’ada ee Indheergaradka”halku dhega Madasha ayaa ah ”Da’ada Caqliga” iyadoo Ajandaha diiradda lagu saari doono qodobada kala ah:(1)-Kobcinta dib u soo celinta. (2)-Warshadaha da’ada Caqliga. (3)-Maalgashiga dadka. (4)-Ilaalinta kuwa la beeray. (5)-Dib u dhiska Kalsoonidda. Madasha Dhaqaalaha Adduunka ayaa waxaa la filaa inuu Soomaaliya ku meteli doono wafdi uu Hogaaminaayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdigiisa.

ISHA-WAKAALADO.

Previous
Previous

WAA MAXAY SABABTA MARAYKANKA UGA BAXAY WHO?

Next
Next

RW-SAALAX AXMED JAAMAC OO KORMMERAY..