SHIR SEDDEX GEESOOD AH OO KA SOCDO…
(SAWIRAKA)-MIDIG,RW-MELONI,RW-ABIY AXMED IYO MW-XASAN SHEEKHA.
(ADDIS ABABA)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka socdo shir seddex geesood ah una dhexeeyo dalalka Soomaaliya,Itoobiya iyo Talyaaniga,wadamadaan seddexda ah ayaa waxaa kala metelaayo Reysal Wasaaraha Itoobiya ee martida loo yahay Abiy Axmed, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Reysal Wasaaradda dalka Talyaaniga Georgia Meloni. Masuuliyiintaan ayaa lagu wadaa ineey ka wada hadlaan arrimo ku saabsan amniga gobolka Geeska Afrika gaar ahaan dagaalka dawladda Fedraalka Soomaaliya kula jirto Alshabaab iyo qulqulatooyinka ka soo cusboonaaday qeybo ka mida dalka Itoobiya, Madaxweynaha JFS Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kala hadlay madaxda kale guulaha ey gaareen ciidamadda xooga dalka Soomaaliyeed waxa uuna Madaxweynuhu u sheegay madaxdaasi in hadda uu bilawday wejigii labaad ee dagaalka Alshabaab looga xureynaayo dalka Soomaaliya. Reysal Wasaaradda Talyaaniga Meloni ayaa ayadana dhinaceed waxa ey dawladda Soomaaliya ku boorisay ineey halkooda ka sii wadaan dagaalka Alshabaab si Soomaaliya u gaarto nabad waarta,shirka ayaa lagu wadaa in la soo gabagabeyo maanta.
ISHA WARKA SB-MEDIA.