SHIR MUQDISHO UGA FURMAY KHUBARO MILETERI OO AFRIKAAN U BADAN.
(MUUQAALKA)_SARAAKIISHA KA QEYBGELEYSA SHIRKA MUQDISHO.
(MUQDISHO/SOMALIA)-Waxaa magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay Shirka Khubarada Milateriga ee dalalka ciidamada ku taageera Hawlgalka Midowga Afrika ee Taageerada iyo Xasilinta Soomaaliya (AUSSOM), kaas oo gogol-xaar u ah shirka Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca. Shirkan ayaa diiradda lagu saaray diyaarinta qorshe hawleed mideysan oo lagu dhaqan-gelinayo go’aamadii ka soo baxay Shir Madaxeedkii Gaarka ahaa ee dalalka ciidamada ku taageera Hawlgalka AUSSOM, kaas oo ka qabsoomay magaalada Kampala. Qorshahan ayaa sidoo kale lagu dardargelinayaa hawlgallada ka dhanka ah Alshabaab, xoojinta wadaagista xogaha sirdoonka, iyo isku-duwidda awoodaha iyo agabka ciidamada iskaashanaya. Guddoomiyaha Guddiga Khubarada Milateriga, Sarreeye Gaas Maxamed Cali Bariise, ayaa sheegay in qorshahan uu xoojinayo wada-shaqeynta u dhexeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, AUSSOM iyo dalalka ciidamada ku taageera hawlgalka. Wuxuu xusay in iskaashigan uu door muhiim ah ka qaadan doono wiiqidda awoodda kooxaha argagixisada iyo adkeynta amniga Soomaaliya iyo guud ahaan gobolka. Qorshaha ay khubaradu diyaariyeen ayaa loo gudbiyay Taliyeyaasha Ciidamada Difaaca si ay dib-u-eegis ugu sameeyaan una ansixiyaan. Qorsgahan Marka la meel mariyo, wuxuu saldhig u noqon doonaa wejiga xiga ee hawlgallada ka dhanka ah Al-shabaab, laguna xaqiijinayo xasilloonida, nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo gobolka.
XIGASHO-GJ.