SHEEKH SHARIIF OO ISAGA GUURAY MIRANAAYO.

(SAWIRKA)-SHEEKH SHARIF OO GACAN QAADAAYO HILLARY CLINTON.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Sheekh Shariif Sheekh Axmed, ayaa lagu wadaa inuu ka guuro hoygii uu ka deganaa xaafadda Mirinaayo ee degmada Cabdicasiis, ka dib maalmo ay socdeen waan waan iyo wada-hadallo u dhexeeyay dowladda federaalka iyo xubno ka socday odayaasha dhaqanka. Ilo ku dhow Sheekh Shariif ayaa sheegay in madaxweynihii hore uu si iskiis ah u go’aansaday inuu dib ugu laabto hoygiisii hore ee magaalada Muqdisho, ka dib dadaallo lagu doonayay in lagu dejiyo xiisaddii ka taagneyd xaafaddaas. Subaxnimadii shalay waxaa goobta uu deggan yahay tagay taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah ugaasyada dhaqanka, kuwaas oo qayb ka ahaa waan waanta socotay. Ilo xog-ogaal ah ayaa sheegay in go’aanka guuritaanka aanu ka dhalan cadaadis ama awood lagu saaray madaxweynihii hore, balse uu yahay mid uu isagu qaatay ka dib wada-xaajoodyo socday maalmo badan. Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hore xubnaha mucaaradka ugu wargelisay inay dib ugu laabtaan xaafadahooda, iyadoo arrintan ay qayb ka ahayd dadaallada lagu dejinayay xiisadda siyaasadeed ee Muqdisho. Sheekh Shariif ayaa hore u sheegay in Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, aanu go’aan ka gaari karin halka uu degayo ama dhaqdhaqaaqiisa siyaasadeed. Hase yeeshee, xogaha ugu dambeeya ayaa muujinaya inuu hadda ka guurayo goobtii uu deganaa ee Mirinaayo. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in ciidamada ku sugnaa aaggaasi la filayo in saacadaha soo socda dib loo kala qaado. Ilaa hadda ma jirto xog rasmi ah oo xaqiijinaysa in la sameynayo hub ka dhigis lagu sameeyo ciidamadii ama taageerayaashii la socday Sheekh Shariif.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

RW-XAMSE OO MAGACABAY GUDIGA MAALMAHA XURIYADDA.

Next
Next

XIRIIRKA K/CAGTA IRAAN OO SHEEGAY INEY CODSADEEN FIISAHA MARAYKANKA.