SHAN XILDHIBAAN OO U DHASHAY BEESHA WARSANGELI/DAAROOD OO U GOOSTAY S/LAND.

(SAWIRKA)-XILDHIBAANO U GOOSTAY SL.

(LAASCAANOOD/WB)-Xafiiska Xeer Ilaaliyaha Guud ee Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya ayaa warqad rasmi ah oo ku taariikheysan 23-ka Luulyo 2026 ugu gudbiyay Guddoomiyaha Golaha Wakiillada, isagoo ka codsaday in xasaanadda laga qaado shan xildhibaan si loo horgeeyo Maxkamadda. Warqadda ayaa lagu sheegay in codsigu uu quseeyo xildhibaannada kala ah Makhtal Siciid Maxamed, Cabdisalaan Cabdillaahi Maxamed, Sidiiq Jaamac Muuse, Axmed Cali Maxamed iyo Axmed Caabi Shiire. Xeer Ilaaliyaha Guud ayaa sheegay in codsiga uu salka ku hayo qodobbada 50-aad iyo 51-aad ee Dastuurka Dowlad Goboleedka Waqooyi Bari Soomaaliya, isaga oo sidoo kale tixraacay qodobbada 184, 218 iyo 221 ee Xeerka Ciqaabta Soomaaliyeed. Sida ku cad warqadda, Golaha Wakiillada ayaa laga codsaday inuu ansixiyo ka qaadista xasaanadda xildhibaannadan, si Maxkamadda Sare loogu gudbiyo dacwadaha lagu soo oogayo. Dhinaca kale xildhibanadan ka tirsanaa Golaha Wakiillada Waqooyi Bari ayaa ku dhawaaqay inay iska casileen xubinnimadooda, iyagoo sheegay inay go'aankaas qaateen kaddib markii ay dib u qiimeeyeen doorkooda siyaasadeed iyo matalaaddooda shacabka. War qoraal ah oo ay soo saareen, ayay xildhibaannadu ku sheegeen in sannado ay qiimayn ku hayeen arrimaha ay la xiriiriyeen maamulka Waqooyi Bari, gaar ahaan dhacdooyin hore oo ay xuseen inay saameyn ku yeesheen go'aankooda. War-saxaafadeedka ayay ku sheegeen inay faahfaahin dheeraad ah ka bixin doonaan sababaha go'aankooda iyo aragtidooda ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee Waqooyi Bari. Dhinaca kale, warar soo baxaya ayaa sheegaya in xildhibaanada ay u goosteen dhinaca Somaliland, iyagoo doonaya inay maalmaha soo socfa tagaan magaalada Hargeysa si lamid ah xildhibaan Fahiimo Quuje oo dhawaan iska dhiibtay Somaliland. Fahiimo Quuje ayaa dhawaan sheegtay inay Hargeysa kusoo wajahan yihiin masuuliyiin oo reer Waqooyi Bari ah, kuwaas oo ay sheegtay inay ku qanacsanayn hab maamulka madaxweyne Firdhiye. Dhammaan Xildhibaanadan shanta ah ayaa ah kuwa ka soo wada jeeda Gobolka Sanaag ee Dawlad Goboleedka Waqooyi/Bari Soomaaliya, waxa eyna qabiil ahaan ka tirsan yihiin Qabiilka Warsangeli/Daarood ee dega degaankaas. Hawshaan ku socoto DG Waqooyi Bari soomaaliya ayaa ah mid salka ku heyso sidii loo burburin lahaa maamulkaasi loogana hortegi lahaa shacabka dego degaanadaasi iney ka tahstaan aayahooda waayo Xuquuqdooda dastuuriga ah ayaa kaga maqneed muddo dheer maamuladda Somaliland iyo Puntland, waane kuwaas kuwa xagal daacinaya maamulka cusub ee W/Bari Soomaaliya.

ISHA-WAKAALADOO.

Previous
Previous

GUDIGA DOORASHOOYINKA QARANKA OO SOO SAARAY JADWALKA DOORASHADA H/SHABEELE.

Next
Next

DG PUNTLAND OO EEDEYN U SOO JEEDISAY DG G/MUDUG.