SEYF AL-ISLAM QADAAFI OO MAANTA GURIGIISA LAGU DILAY.

(SAWIRKA)-SEYF AL-ISLAM QADAAFI.

(TRIPOLI/LIBYA)-Ilo ku dhow qoyska Qadaafi ayaa u xaqiijiyay TV-ga caalmiga ah ee AL-Arabiya Talaadada maanta in Sayf AL-Islaam Qadaafi ay dileen afar qof meel u dhow magaalada Zintan ee galbeedka Liibiya. Ilo wareedka ayaa intaa ku daray in "dambiilayaashu ay si deg deg ah u baxsadeen ka dib markii lagu toogtay beertiisa," isagoo xusay in dhimashada ninkaasi ay timid ka dib iskahorimaadyo socday tan iyo duhurkii. Sayf AL-Islam waxa uu tilmaamay inuu la kulmay dhowr qof oo weeraray ka hor inta uusan dhaawacmin, isagoo xusay inaysan jirin macluumaad la xaqiijiyay oo ku saabsan dhinaca dilay marxuumka. Cabdallah Cusmaan, oo ah la-taliyaha Siyaasadda Sayf AL-Islaam Qadaafi, ayaa qoraal kooban oo uu ku qoray boggiisa Facebook ku xaqiijiyay warka ku saabsan geeridiisa, isagoon shaacin wax faahfaahin ah oo ku saabsan dilka iyo qofkii geystay.

KAAMIROOYINKA ILAALADDA OO LA DEMIYEY:

Dhinacooda, kooxda Siyaasadeed ee Sayf AL-Islam Gaddafi ayaa si rasmi ah ugu baroordiiqay wiilka uu dhalay hoggaamiyihii geeriyooday ee Liibiya Mucamar AL-Qadaafi. Ilo wareedyo ka tirsan kooxda siyaasadda ee Qadaafi ayaa sheegay, "Dablaydu waxay damiyeen kamaradaha ilaalada ee guriga Sayf AL-Islam," waxayna sii wateen, "Sayf AL-Islam wuxuu isku dhacay dableyda waxaana la dilay 2:30." Wuxuu sidoo kale raaciyay, "Waxaa socda qabanqaabo lagu soo celinayo meydka Sayf AL-Islam."

CIIDAMADDA RW-DEBEYBAH OO BEENIYEY:

Dhanka kale, Guutada 444, oo ah kooxda militariga ee xiriirka la leh Dowladda Midnimada Qaranka, ayaa beenisay inay wax xiriir ah la leedahay dilkii Sayf AL-Islam Gaddafi, waxayna ku sheegeen bayaan ay soo saareen inaysan wax xiriir ah la lahayn iska horimaadyadii ka dhacay magaalada Zintan. Hogaamiye Mucamar AL-Qadaafi ayaa waxaa la dilay bishii Feberaayo sannadkii 2011-kii, waqtigaas uu socday kacdoon looga soo horjeeday qaar ka mid ah hogaamiyeyaasha caalamka Carabta sida Tunisiya, Liibiya, Masar, Yeman, Suriya iyo Baxreyn. Banaanbaxyadii ugu waa weynaa ayaa ka dhacay”Marooko, Ciraaq, Aljeeriya, Libnaan, Urdun Kuweyt, Cumaan iyo Suudaan”.

XIGASHO-AA.

Previous
Previous

KUMUU AHAA SEYF AL-ISLAAM MUCAMAR AL-QADAAFI?

Next
Next

MARAYKANKA OO QORSHEEYEY DILKA HOGAAMIYAHA ISIS EE SOOMAALIYA.