SARKAAL SARE OO YEMENI AH OO KA BADBAADAY ISKU DAY DIL GUDAHA MAGAALADDA CADAN.

(SAWIRKA)-S/G.XAMDI SHUKRI.

(ADEN/YEMEN)-BREAKING NEWS: Wararlaha helaayo caasimadda ku meel gaarka ah ee Cadan ee dalka Yemen ayaa sheegaayo in Toddobo askari ey noqdeen kuwa dhintay kuwa dhaawacmay Arbacada maanta ah ka dib markii qarax lala beegsaday kolonyada gelbineysay taliyaha Guutada Labaad ee Rafac, Sarreeye Guuto Hamdi Shukri, Qaraxa ayaan ka dhacay meel waqooyiga kaga beegan caasimadda ku meel gaarka ah ee Cadan. Ilo wareedyo amni ayaa sheegay in gaari Waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay lala beegsaday kolonyada Janaraal Xamdi Shukri oo ku sugnaa agagaarka Jacuulah ee degmada Daar Sacad, waxaana ku dhintay laba askari shan kalena way ku dhaawacmeen. Ilo-wareedyadu waxay intaa ku dareen in laamaha ammaanku ay si deg-deg ah u xireen goobta qaraxa uu ka dhacay, isla markaana ay soo rogeen tallaabooyin amni oo adag, iyagoo isla markaana dadkii dhaawacmay u gudbiyay isbitaallada u dhow, isla markaana bilaabay baaritaan ku saabsan xaaladda dhacdada iyo dhinacyadda ku lugta lahaa. War hadda soo dhacay ayaa sheegaayo in dhimashada ey hadda gaartay ilaa shan askeri, qaraxa oo ahaay mid aad u xoogan ayaa sababay burbur baahsan oo soo gaaray dhammaan dhismayashii ka ag dhawaa goobta uu ka dhacay, goobaha burburay ayaa waxaa ka mid ah guro ey dad deganaayeen iyo goobo ganacsi. Sarkaalka la beegsaday Xamdi Shukri ayaa ah mid aad u ula dagaalama amni adaradda iyo ka ganacsiga Maandooriyaha, sarkaalka oo ka badbaaday Qaraxa la doonaayey in lagu khaarijiyo ayaa masuul ka ah Amniga guud ee caasimadda ku meel gaarka ah ee Cadan ka dib markii halkaasi laga saaray xoogagii daacadda u ahaa imaaraatka Carabta ee doonaayey iney Yemen kala gooyaan sida Somaaliland.

XIGASHO-XARAF-28.

Next
Next

KENYA OO BURBURISAY ISGAARSIINTA HORMUUD EE J/HOOSE.