SARKAAL SARE OO ALSHABAB AH OO LA DILAY IYO B/WEYNE OO LA WEERARAY.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA DFS.

(AFGOOYE/B/WEYNE)-Ciidanka Hay’adda Nabad-Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaliyeed ee NISA ayaa howlgal qorsheysnaa oo ay maanta ka fuliyeen duleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose waxay ku dileen xubin ka tirsanaa Al-shabaab. Warsaxaafadeed kasoo baxay Taliska NISA ayaa lagu sheegay in ninkan la dilay uu kooxda All-shabaab u qaabilsana diyaarinta iyo aasida miinooyinka dhulka lagu aaso ee lagu beegsan jiray ciidamada amaanka iyo dadka shacabka ah. Howlgalkan oo lagu tilmaamay inuu ahaa mid si gaar ah loo qorsheeyay oo lagu beegsanaaya6 xubno khatar ku ahaa amniga degmada iyo deegaanada ku dhadhaw ayaa lagu khaarajiyay ninkan oo la sheegay in mudo lagu raad joogay. "Howlgalka oo si taxaddar leh ay u fuliyeen ciidanku, ayaa lagu khaarijiyay dhagar-qabahaasi, iyadoo laga soo furtay qori nooca AK-47 ah" ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay NISA. Warka kasoo baxay NISA laguma shaacin magaca ninkan howlgalka qorsheysna lagu dilay iyo sidoo kale hadey jiraan khasaare kale oo ka dhashay howlgalkan ka dhacay duuleedka degmada Afgooye ee gobolka Shabeellaha Hoose. Ugu dambeyntii qoraalka kasoo baxay NISA ayaa sidoo kale lagu sheegay howlgallada ka dhanka ah Al-shabaab ay sii wadi doonan ciidamadeed ilaa inta ay ka xaqiijinayaan amniga guud ee dalka. Dhinaca kale, Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerar culus oo ay Xalay xubno ka tirsan kooxda AL-shabaab ay ku qaadeen gudaha magaalada Beledweyne ee xarunta gobolka Hiiraan. Weerarka oo ahaa mid ku bilaawday tiro hoobiyaal oo kooxdu ku garaacday qeybo ka mid ah xaafada Bundaweyn ayaa waxa xigay dagaal toos ah oo mudo kooban dhexmaray Al-shabaab iyo ciidanka dowladda ee fariisinta ku lahaa xaafadaas. Dagaalka dhexmaray Al-shabaab iyo ciidanka dowladda ayaa la sheegay inuu ahaa mid labada dhinac ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan oo xalay hurdada u diiday dadka ku nool xaafada Buundoweyn. Saraakiisha ciidanka dowladda ee ku sugna fariisinta Xalay uu ka dhacay dagaalka ayaa warbaahinta u xaqiijiyay iney khasaare kala duwan gaarsiiyeen kooxdii soo weerartay, hayeshee aysan jirin wax khasaare ah oo kasoo gaaray weerarka dhankooda. "Meydad iyo dhaawacyo wey jiiteen Khawaarijtii weerarka nagu soo qaaday waan iska difaacnay, waxaase jirtay hoobiyaal ay nagu soo tuureen oo xaafadaha qaar ku dhacay mana geysan wax khasaare ah oo marka laga soo tago burbur guryo ay ku dhaceen" ayuu yiri sarkaal lagu magacaabo Ibraahin Deefow oo ka ciidanka Militariga. Weerarka Xalay ka dhacay xaafada Buundoweyn ee magaalada Baledweyne ayaa kusoo aadaya iyo waayahii lasoo dhaafay xaafadaha magaaladaas ay ahayeen kuwa ka nabad qabay weerarada tooska ah ee kooxda AL-shabaab ka geysato qeybo ka mid ah magaalooyinka dalka.

XIGASHO-HOL.

Previous
Previous

EEDEYSANE DADKA DHICI JIRAY OO LA SOO QABTAY.

Next
Next

MASAR SAAMEYN MAKU LEEDAHAY GEESKA AFRIKA?