SARKAAL LAGU XUKUMAY FARANSA.

SAWIRADA DADKII XASUUQA KA GAYSTAY RWANDA.

(PARIS)-Maalintii shalay oo Talaado ahayd ayey Maxkamad ku taalo dalka Faransiiska xukun ku riday sarkaal hore oo reer Rwanda ah waxaane sarkaalkan lagu xukumay 20-sano oo xabsi ah ka dib markii lagu helay dembi ah inuu gacan ka gaystay xasuuqii ka dhacay dalka Rwanda sannadkii 1994-tii. Maxkamada Paris Assiz ayaa Laurent Bucyibaruta oo 78-jir ah ahaayne masuulkii ugu sareeyey gobolka Gikongoro ayaa lagu helay inuu qeyb ka ahaay xasuuqii dalkaas gacana ka gaystay xasuuqii dhacay 28-sano ka hor ka dib markii lagu soo eedeeyey laguna helay dhacdooyin argagax leh kuwaasoo horseeday xasuuq loo gaystay dad gaaraayo 800-kun oo qofood kana soo jeeda qabiilka TUTSIS ee dalkaas Rwanda. Ninkaan ayaa noqonaayo sarkaalkii ugu sareeyey oo reer Rwanda ah ee wajahaayo xukun adag gudaha dalka Faransiiska ka dib dilkii baahsanaay ee ka dhacay dalkaasi RWANDA sannadkii 1994-tii.

ISHA WARKA AA.

HALKAAN KA SII AKHRI.

Previous
Previous

MEYDKII WALKER OO LA BAARAY…

Next
Next

HAYADA LAAN QEERTA CAS EE ADDUUNKA OO KA…