SARAAKIISHA AMNIGA PUNTLAND OO WAJAHAYA EEDEYMO CULUS.

(SAWIRKA)-SARAAKIISHA AMNIGA PUNTLAND.

(GARAWE)-Dawlad Goboleedka Puntland waxa ey ka mid yahay shanta maamul Goboleed ee hoostaga Dawladda Fedraalka Soomaaliya,Puntland waa maamulka ugu da’ada weyn shanta maamul ee hoostaga DFS, waxaane la dhisay Puntland sannadkii 1998-dii waxaane Madax ka soo noqday rag siyaasadda Soomaaliya ku dhex leh magac aad u weyn uuna ugu horeeyo AUN-Korneel C/laahi Yuusuf Axmed oo markii dambe noqday Madaxweynaha DKM ee Soomaaliya. Maamulka Puntland ayaa dhaqaale ahaan waxa uu tiirsan Dekedda Boosaaso ee Gobolka Bari,waxaane halkaas ka soo dega badeeco aad u fara badan kana timaado wadamadda Khaliijka Carabta gaar ahaan dalalka Imaaraatka Carabta iyo Cumaan,hadaba maxaa soo kordhay oo ka jira Puntland? Maamulka Puntland waxa hadda ka jira Amni darri midii ugu xumeed ee soo marta maamulkaasi, waxaane faraha ka baxay xakameynta Hubka iyo Maandooriyaha,waxaane arrinkaan loo aaneynayaa Hayadaha Amniga Puntland oo shaqadoodii u rogay mid shaqsi bilaabayne iney ilo dhaqaale ka sameeyaan Agabkii dembiyadda lagu galay,arrintaan ayaa dood xoogan waxa ey ka dhex dhalisay Golaha Wasiiradda Puntland ka dib markii isqabqabsi ka dhex abuurmay Saraakiisha Amniga Puntland. Saraakiisha Amniga Puntland ayaa lagu eedeyey iney qaniimeysteen Hubkii laga soo qaaday shacabka oo waxay dib ugu suuq geeyeen suuqayadda magaaladda Garawe,sidoo kale,waxaa dib suuqyada Garawe loogu arkay Qamrigii ey hayadaha Amniga qabteen oo isna yaala Suuqyadda Puntland. Madaxweynaha Puntland ayaa amray Maanta oo Khamiis ah in saraakiil reer Puntland ah laga saaro Hayadaha Amniga kuwaaso iibsaday Hubkii shacabka laga soo qaaday iyo kuwa kale oo fududeeyey in Qamrigii lagu soo qabtay cabtooyadda Garawe dib loogu celiyo suuqyadda Garawe. Maamulka Puntland ayaa wajahaya dhaqaale xumi baahsan oo gaartay in ciidamadda difaaca Puntland iney soo farujiyaan furimaha dagaalka ee buuraha Galgala ka dib markii ey waayeen xuquuqdoodii muddo lix bilood ah,waxaane hadda halis weyn ey ka taagan tahay sida ciidanka difaac Puntland cabashadiisa loo mareyn lahaay mar haddii eysan jirin dhaqaale lagu furdaamiyo hawlaha ciidan gadoodsan.

ISHA/SB-MEDIA.

Previous
Previous

CABDULQADIR MUMIN(AKA) OO SHARAXAN…

Next
Next

KENYA OO 30-SANO KU XUKUNTAY NIN LABA KAARLE AH.