SALDHIGYADDA MARAYKANKA EE KHALIJKA EE IRAN WEERARTAY.
(SAWIRKA)-DIYAARADA F16.
(LONDON)-Maraykanka iyo Isra’iil ayaa taariikhdu markey ahayd 28/2/2026-ka kuna beegneed maalin Sabti ah bilaabay duqeymo mileteri ey ka geysteen dhulka Iraan. Iraan waxay sidoo kale qaaday weeraro gentaalo ah oo lagu bartilmaameedsaday saldhigyadda Ciidamadda Maraykanka ee ku sugan Bariga dhexe, saldhigyada ayaa ku kala yaalo intooda badan wadamadda la isku yiraahdo Wadamadda Khaliijka Carabta, waane kuwa ugu waa weyn ee u yaalo gobolka Bariga Dhexe:
(1)-QADAR: Dalka Qadar waxaa ku yaalo saldhiga Cirka ee AL-Cudey, waxa uuna u dhaw yahay magaaladda caasimadda ah ee Dooxa, waane saldhiga ugu weyn ee ciidamadda Maraykanka ku leeyihiin Gobolka Bariga dhexe. Saldhigaan ayaa u adeega xaruntii hore ee Taliska dhexe ee Maraykanka(CENTCOM) iyadoo ey joogaan ama ey ku sugan yihiin ciidamo gaaraayo ilaa 10-kun askeri. Sannadkii 2025-ta, Maraykanka iyo Israel waxa ey weeraro mileteri ka geysyeen Iraan, Iraan waxa ey gentaalo ku soo tuurtay saldhigaan si ey uga aargoosato.
(2)-BAXREYN: Dalka Baxreyn waxaa ku sugan Taliska Ciidanka Badda ee shanaad ee Maraykanka, waxa eyna masuul ka yihiin hawlgaladda Gacanka, Gacanka Cumaan,Badda Carbeed, Gacanka Cadan, Badda Cas, iyo qeybo ka mid ah bad weynta Hindiya.
(3)-SACUUDI CARABIYA: Saldhiga Cirka ee Amiir Suldaan, waa saldhiga ugu weyn ee Maraykanka kuna yaalo dalka Boqortooyadda Sacuudiga, waxa uuna ku yaalaa meel caasimadda Riyaad u jirta ilaa kun kiiloomitir. Aqalka Cad ee Maraykanka ayaa sheegay in in ka badan 2,300-askeri oo Maraykan ah ey ku sugan yihiin dalka Sacuudiga marka laga soo bilaabo sannadkii 2024-kii si ey u caawiyaan difaac cirka ee Sacuudiga iyo hawlgaladda ka dhanka ah gentaaladda Iraan iyo iney siiyaan taageero diyaaradaha dagaalka ee dalka Maraykanka si ey u gutaan hawlgaladooda.
(3)-IMAARAATKA CARABTA: Saldhiga Cirka ee AL-Dhafra’a, waxa uu ku yaalaa Koonfurta magaaladda caasimadda ah ee Abu Dabi. Sida laga soo xigtay Taliska dhexe ee Maraykanka(CENTCOM), saldhigaan waxa uu taageeraa ciidamadda Cirka ee Maraykanka si ey fuliyaan dagaalka, sahanka iyo hawlaha kale ee aaga.
(4)-CIRAAQ: Saldhiga Cirka ee Ceyn AL-Asad, waxa uu ku yaalaa Galbeedka Gobolka Anbaar. Saldhiga Ciidamadda Cirka Maraykanka ee Xariir waxa uu ku yaalaa Gobolka Kurdis ee ismaamulka Kurdistaan. Bishii Janaayo ee sannadkan 2026-ka, Wasaaradda Difaac dalka Ciraaq waxa ey sheegtay iney si buuxda ula wareegtay saldhiga cirka ee Ceyn AL-Asad ee ah saldhiga labaad ee ugu weyn ee dhinaca militeriga dalka Ciraaq.
(5)-KUWEYT: Dalka Kuweyt, Maraykanka waxa uu ku leeyahay Xerada Carifjaan taaso ku taalo koonfurta magaaladda Caasimadda ah ee Kuweyt. Xderadaan ayaa u adeegta Xaruntii hore ee Ciidmaadda dhexe ee dalka Maraykanka.
(6)-TURKIGA: Maraykanka iyo Xubnaha kale ee ka tirsan Ururka NATO, waxay ciidamo u joogaan saldhga cirka ee ku yaalo Incirlik ee dalka Turkiga.
Wadamadda kale ee ku yaalo Gobolka Bariga dhexe Maraykankuna ey ka joogaan ciidamo waxaa ka mid ah Masar iyo Urdun halka Suriya uu ka soo saaray ciidamadiisa dhammaadkii sannadkii hore iyo horaantii sannadkan 2026-ka. Sannadkii 2025-tii, tiradda guud ee Ciidamadda dalka Maraykanka ee ku sugan wadamadda Khaliijka laguna daro Masar iyo Urdun ayaa lagu sheegay iney gaarayaan inta u dhexeyso 40-kun ilaa 50-kun askeri oo Maraykan ah.
ISHA-WAKAALADDO.