SAFAARADDA INGIRIISKA EE SOOMAALIYA OO WAR KA SOO SAARTAY XAALADDA KGS.
(SAWIRKA)-CALANKA UK.
(MUQDISHO)-Boqortooyada Midowday (UK) ayaa muujisay walaac sii kordhaya oo ku saabsan xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, iyadoo ka digtay in xaaladdu ay sii wiiqi karto amniga isla markaana uga sii dari karto xaaladda bani’aadannimo ee horey u nugleyd. War-saxaafadeed ay soo saartay Safaaradda Britain ee Mogadishu, ayaa lagu sheegay in UK ay si dhow ula socoto arrimaha ka socda Koonfur galbeed, iyadoo xustay in xiisadaha jira ay halis gelinayaan xasilloonida isla markaana saameyn ku yeelan karaan bulshada nugul ee wajahaya cadaadisyo bani’aadannimo oo culus. UK waxay ugu baaqday dhammaan dhinacyada ku lugta leh inay muujiyaan is-xakameyn ayna mudnaanta siiyaan dejinta xaaladda, si looga fogaado tallaabooyin sii hurin kara xiisadda. Warbixintu waxay sidoo kale tilmaantay in UK ay weli xiriir la leedahay dhinacyada kala duwan ee heer federaal iyo dowlad goboleed, iyadoo ku boorrisay in la qaato wadahadal wax dhisaya oo loo dhan yahay, si loo xalliyo khilaafaadka jira loona ilaaliyo xasilloonida siyaasadeed. Sidoo kale, UK waxay soo dhoweysay dadaallada dhex-dhexaadinta ee ay wadaan odayaasha dhaqanka, iyadoo ku tilmaantay kuwo muhiim u ah helitaanka xal nabadeed. Warkan kasoo baxay Dowladda UK ayaa kusoo aadaya, iyadoo Dowladda Federaalka lagu eedeeynayo inay ciidamo ku sii daabulayso Koonfur Galbeed, si loogu isticmaalo arrimo siyaasadeed oo ka dhan ah madaxweynaha Koonfur Galbeed, Lafta Gareen, kaasoo dhawaan xiriirka u jaray Dowladda Federaalka.
ISHA-HOL.