Sacuudiga uu furiinku kor u kacay 30%.

Furiinka ayaa kor u kacay dalka Boqortooyadda sacuudiga 30% bisha Feberaayo-2020-ka ka dib markii u dalkaas ka dilaacay cudurka uu sababo korona fayris ee Covid-19 lana karantiilay dad fara badan isu socodkiina noqday mid aan sahlaneeyn,dumar badan ayaa ogaadeen in raga eey u dhexeen la guursadeen dumar kale iyo qoysas. Tiradda furiinka ee laga diiwaan geliyey dalka boqortooyadda sacuudiga bishii Feberaay-2020-ka ayaa gaartay 7,482 taasoo u dhiganta natiijo dhan 30% ineey korortay codsiyadda lagu dalbanayo furiinka amaba fasaqa.

Wasiirka cadaaladda dalka boqortooyadda sacuudiga mar wax laga weydiiyey degmooyinka uu ku badan yahay dalabka furiinka ayuu wasiirka sheegay ineey ugu badan yihiin caasimadda Riyaad iyo Makkah,intooda badan haweenka dalbadda in la furo ayaa kala ah kuwa lala qabo naaga kale kuwaaso badankooda laga soo guursaday goobaha shaqadda,naago ganacsata ah oo loo guursaday in guurkooda lagu xalaaleysto xoolaheeda eey horey u shaqeeysatay,dumar caan ka ah bulshadda dhexdeeda iyo dumar aqoon leh una badan takhaatiir.

Markaan u soo noqdo dalkeena hooyo ee sooomaaliya maanta guurka waxa uu iska noqday midka ugu sahlan oo waxa aad arkaysaa ilmo yar yar oo ku leh waan is qabnaa allane caruur ayuu ina siiyey ayadoo aan la fiirin dhammaan shuruudaha looga baahan yahay inuu soo buuxiyo ninka guursanaayo,balse kuwa is guursaday dhistayne reer ayaa dhaama kuwa ka daba wareegaayo ineey sameeyaan wax alle ka reebay.

Previous
Previous

Maamulihii Amiin Ambulance oo…

Next
Next

Koonfurta suudan oo Masar u diiday…