SACUUDIGA OO ISKA FOGEEYEY INUU XIRAY BASAAS ISRA’IILI AH.

(SAWIRKA)-CALANKA SACUDIGA.

(RIYADH/KSA)-Warbaahinta Al Carabiya English ayaa ka ogaatay ilo wareedyadeeda in sheegashooyinka sheegaya in Sacuudi Carabiya iyo Qatar ay xireen wakiillo ka tirsan Sirdoonka Isra’iil ee Mossad oo bambooyin ku aasaya dalalka Khaliijka ay yihiin kuwo aan sal iyo raad lahayn oo aan run ahayn. Sheegashooyinka ayaa si weyn u faafay ka dib markii weriye Mareykan ah iyo weriye Tucker Carlson uu sheegay in labada dal ee deriska la ah Khaliijka ay "xireen wakiillo ka tirsan Mossad oo Israa'iili ah oo qorsheynayay qaraxyo ka dhaca dalalkaas." "Maxay Israa'iiliyiintu u duqayn doonaan dalalka Khaliijka, kuwaas oo ay sidoo kale weerar ku qaadayso Iiraan? Miyaanay isku dhinac ahayn?" ayuu Carlson Isniintii ku weydiiyay barnaamijkiisa isagoo u heellan dhaleecaynta go'aanka Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ee ah inuu weeraro Iiraan. "Israa'iil waxay rabtaa inay dhaawacdo Iiraan, Qatar, Imaaraadka Carabta, Sacuudi Carabiya, Baxrayn, Cumaan iyo Kuwait," ayuu raaciyay. Ka dib markii ay soo baxeen sheegashooyinkaas, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Qatar ayaa war-saxaafadeed ay soo saartay Talaadadii ku sheegtay inaysan hayn wax macluumaad ah oo ku saabsan unugyo Mossad ah oo noocaas ah oo ka howlgala dalka.

ISHA-AA.

Previous
Previous

TALIYAHA BOOLISKA MINNEAPOLIS OO KA HADLAY CAAFIMAADKA DHIMIRKA EE…

Next
Next

ILAALADDA KACAANKA IRAN OO SHEEGTAY INEY DUQEYSAY GAROONKA…..