SACUDIGA OO AQBALAY INUU DAJIRE KA NOQDO DALKEEDA MAXAMED AMIN.
(SAWIRKA)-EX.SENITAR MAXAMED AMIIN SH.CISMAN.
(RIYADH/KSA)-Sacuudi Carabiya ayaa ansixisay magacaabista Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan oo ah Safiirka cusub ee Soomaaliya u fadhiya doona Boqortooyada Sacuudi Carabiya, sida lagu sheegay war-saxaafadeed rasmi ah oo diblomaasiyadeed oo ka soo baxay boqortooyada. Ansixinta waxaa lagu gudbiyay warqad diblomaasiyadeed oo ka timid Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Sacuudiga oo loo gudbiyay Safaaradda Soomaaliya ee Riyadh. Warqadda diblomaasiyadeed, oo ku taariikhaysan Febraayo 16, 2026, ayaa xaqiijisay heshiiska dowladda Sacuudiga ee magacaabista ay soo gudbisay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Soomaaliya Diseembar 11, 2025. Cusmaan wuxuu horey u soo noqday Ku-xigeenka Madaxa Shaqaalaha ee Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, wuxuuna soo qabtay dhowr jagooyin oo kale oo dowladeed. Wuxuu xilka kala wareegayaa Danjire Aweys Xaaji Yuusuf, kaasoo bishii Agoosto, 2025 loo magacaabay La-taliyaha Amniga Qaranka ee Madaxweynaha Soomaaliya Md.Dr.Xasan Sheekh Maxamud. Magacaabista ayaa la filayaa inay xoojiso xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga ka dhexeeya dalalka Soomaaliya iyo Sacuudiga.
ISHA-DA.