SACDIYA BAJAJ OO MAANTA DIB U HESHAY XURIYADEEDA.

(MUUQAALKA)-SACDIYA BAJAJ.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Maxkamadda Rafcaanka Gobolka Banaadir ayaa maanta la filayaa inay go’aan ka soo saarto dacwadda Sacadiya Bajaaj, oo wajahaysa eedeymo la xariira kicin dadweyne iyo aflagaado ka dhan ah madaxda qaranka, sida ay xeer-ilaalintu sheegtay. Sacadiya Bajaaj ayaa horey Maxkamadda Gobolka Banaadir ugu xukuntay saddex sano oo xabsi ah, kaddib fadhiyo kala duwan oo ay kiiskeeda ka yeelatay. Qareennada Sacadiya ayaa racfaan ka qaatay xukunkaasi, iyagoo Maxkamadda Rafcaanka ka dalbaday in dib loo eego go’aankii Maxkamadda Gobolka Banaadir, isla markaana la buriyo ama wax laga beddelo xukunkii saddexda sano ahaa. Dacwaddan ayaa muddooyinkii u dambeeyay si weyn loo hadal hayay, gaar ahaan baraha bulshada, iyadoo dad badan ay si dhow ula socdeen marxaladaha kala duwan ee kiiska iyo xaaladda Sacadiya oo muddo ku jirtay xabsiga. Maanta ayaa indhaha lagu hayaa go’aanka Maxkamadda Rafcaanka, iyadoo qareennada iyo dhinacyada kale ee kiiska ay sugayaan xukunka kama dambaysta ah ee ay maxkamaddu ka gaari doonto racfaanka. Go’aanka Maxkamadda Rafcaanka ayaa noqon doona mid muhiim u ah Sacadiya Bajaaj iyo qareennadeeda, kuwaas oo rajeynaya in xukunkii hore la buriyo ama wax laga beddelo, halka dhinaca kale ay maxkamaddu qiimeyn doonto doodihii iyo caddeymihii la horgeeyay intii ay socotay dacwaddu.

ISHA-GJ.

Previous
Previous

XILDHIBAANAD ILHAN CUMAR OO MAR KALE LA SOO DOORTAY.

Next
Next

TALYAANIGA OO SOOMAALIYA UGU DEEQAY GAADIID DAGAAL.