SAADAAT CALIYAW OO SHEEGAY INUU ISAGA HARAY TARTANKII GUDOMIYAHA AQALKA HOOSE EE BJFS.
(MUUQAALKA)-XILDHIBANO KGS AH.
(MUQDISHO/SOMALIA)-BREAKING NEWS: Saadad Caliyow, oo horay isaga casilay xilkii Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha, ayaa si rasmi ah uga haray tartanka musharaxnimada Guddoomiyaha Golaha Shacabka, isagoo taageeradiisa ku dhawaaqay inuu siinayo musharraxa kale ee u taagan xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Cabdulqaadit Maxamed Nuur Jaamac. Ka bixitaanka Saadad Caliyow ayaa wax ka beddelaya loollanka xilka Guddoomiyaha Golaha Shacabka, iyadoo hadda tartanka uu kusoo haray Wasiir Jaamac. Sida wararku sheegayaan, Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Sheekh Aadan Maxamed Nuur, ayaa door muuqda ku lahaa dadaallada iyo wada-hadallada horseeday in Saadad Caliyow uu ka tanaasulo tartanka. Tallaabadan ayaa loo arkaa mid xoojin karta dhinaca musharraxa uu Saadad Caliyow taageeradiisa siiyay, iyadoo indhaha lagu hayo sida ay arrintani u saameyn doonto tartanka Guddoomiyaha Golaha Shacabka iyo xulashada hoggaanka cusub ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.
XIGASHO-GJ.