RW.ABIY AXMED OO MAANTA GAARAY DALKA ISUTAGA IMAARAATKA CARABTA.
(SAWIRKA)-RW.ABIY OO GARAY UAE.
(ABU DHABI)-Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed ayaa maanta booqasho shaqo ku tagay dalka Isutaga Imaaraadka Carabta, sida uu sheegay Xafiiskiisa maanta oo Khamiis ah. Safarkiisa Imaaraadka Carabta ayaa yimid maalin ka dib markii uu ku biiray shir goboleed oo ka dhacay magaalada Jabuti ee Jamhuuriyadda Jabuti oo uu martigeliyey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuti Md. Ismaaciil Cumar Geele oo ay weheliyaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamud. Wadahadallada saddex geesoodka ah ayaa diiradda lagu saaray nabadda iyo amniga Geeska Afrika iyo iskaashiga gobolka oo ballaaran. Booqashada ayaa sidoo kale ka dambeysay wicitaan taleefan oo Arbacadii dhexmaray Abiy iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda Maraykanka Md.Marco Rubio , kaas oo ay labadoodu ka wada hadleen "ballanqaadkooda wadajirka ah ee xasilloonida gobolka, iskaashiga la dagaallanka Argagixisada, barwaaqada dhaqaale, iyo dhisidda aasaaska amniga muddada dheer ee Geeska Afrika." Safarrada caalamiga ah ee Imaaraadka ayaa hakad galay ka dib xasillooni darrada hawada oo lala xiriiriyay xiisadaha u dhexeeya dalka Iran iyo Khaliijka taasoo ku qasabtay in si ku meel gaar ah loo xiro garoomada diyaaradaha ee Imaaraadka Carabta iyo gobolka Khaliijka. Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee Zayed ee magaaladda caasimada ah ee Abu Dhabi ayaa dib u bilaabay howlihiisa xaddidan 12-kii Maarso ka dib markii uu xirnaa muddo toddobaad ah, iyadoo shirkadda diyaardaha ee Etixad Airways iyo shirkadda diyaaradaha Emirates ay ku shaqeynayeen jadwal duulimaad oo la dhimay halka shirkadaha diyaaradaha kale oo ay ku jiraan British Airways ay ku dhawaaqeen 12-kii Maarso in la hakiyay ama la baajiyay sababo la xiriira hubanti la'aan joogto ah iyo khataro amni. 12-kii Maarso, British Airways waxay noqotay shirkadda diyaaradaha ee ugu weyn ee ku dhawaaqday inay joojin doonto adeegyadeeda Abu Dhabi ilaa dhammaadka sanadka iyadoo baajisay meelo kale inta ka dhiman bisha.
ISHA-AS.