RW-XAMSE OO SHIR GUDOOMIYEY SHIRKII GUDIGA QARANKA EE XIRFADAHA.

(MUUQAALKA)-REYSAL WASAARE XAMSE CABDI BARRE.

(MUQDISHO/SOMALIA)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamse Cabdi Barre, ayaa guddoomiyay shirkii ugu horreeyay ee Guddiga Qaran ee Horumarinta Xirfadaha iyo Shaqo-abuurka, kaas oo looga hadlay dardargelinta qorshayaasha lagu horumarinayo xirfadaha dhallinyarada iyo abuurista fursado shaqo oo waara. Kulanka ayaa lagu soo bandhigay waajibaadka guddiga, qorshaha qaran ee isku-dubbaridka horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurka, iyo hawlaha mudnaanta leh ee la doonayo in la fuliyo. Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ayaa sidoo kale soo bandhigtay Siyaasadda Barashada Farsamada iyo Tababarka Xirfadaha, taas oo lagu doonayo in lagu kobciyo xirfadaha shaqaalaha, isla markaana la waafajiyo baahida suuqa shaqada iyo fursadaha dhaqaale ee dalka. Ra’iisul Wasaare Xamse ayaa sheegay in horumarinta xirfadaha iyo shaqo-abuurku u baahan yihiin hannaan qaran oo mideysan, iyadoo Dowladda Federaalka, dowlad-goboleedyada, ganacsiga gaarka loo leeyahay iyo bahwadaagta horumarintu ay iska kaashadaan isku-xirka xirfadaha, baahida suuqa shaqada iyo maalgashiga. Dowladdu waxay sheegtay in ujeeddada ugu weyn ay tahay in dadaallada iyo maalgashiyada ka socda dalka loo beddelo natiijooyin la cabbiri karo, kuwaas oo horseeda xirfado tayo leh, shaqooyin waara iyo koboc dhaqaale oo loo dhan yahay. Guddiga ayaa la filayaa inuu door muhiim ah ka qaato isku-dubbaridka qorshayaasha shaqo-abuurka iyo horumarinta xirfadaha, gaar ahaan sidii dhallinyarada Soomaaliyeed loogu diyaarin lahaa fursadaha ka jira suuqa shaqada gudaha iyo kuwa soo koraya.

ISHA-SNTV.

Previous
Previous

MW-CIRRO MA IMAAN DOONAA WASHINGTON DC BISHA SOO SOCOTA?

Next
Next

MAXKAADDA SARE EE SOOMAALIYA OO LAASHAY NATIIJADII DOORASHADA G/MUDUG.