RW-XAMSE CABDI BARRE OO KA HADLAY XAALKA BAYDHABO.

(SAWIRKA)-RW-XAMSE.

(MUQDISHO)-Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre, ayaa caawa khudbad uu ka jeediyay magaalada Muqdisho si adag uga hadlay wixii ka dhacay magaalada Baydhabo, isagoo weerar afka ah ku qaaday mucaaradka iyo sidoo kale madaxweynihii iscasilay ee Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen). Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in xaaladda Baydhabo ay si buuxda gacanta ugu hayaan Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, isagoo caddeeyay in aan la aqbali doonin doorasho dadban ama wax kasta oo horseedi kara kala aargoosi qabiil. “Baydhabo waxaa gacanta ku haya dowladda Federaalka, Doorasho dadban ma jirto, lamana ogolaanayo wax kasta oo keeni kara kala aargoosi qabiil,” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa. Sidoo kale, Xamsa Cabdi Barre ayaa si toos ah u dhaliilay Lafta Gareen, isagoo sheegay in dhammaadka siyaasaddiisu uu noqday mid liita, inkastoo uu hore door muhiim ah uga soo qaatay arrimo waaweyn oo qaran. “Saaxiibkay Cabdicasiis Lafta Gareen ma jeclayn in taariikhdiisa uu ku soo gabagabeeyo wixii maanta dhacay, balse nasiib darro khaatumadiisu sidaas ayay noqotay,” ayuu yiri Xamsa. Dhanka kale, Ra’iisul Wasaaraha ayaa si kulul uga hadlay siyaasiyiinta mucaaradka ee hambalyeeyay Lafta Gareen, isagoo ku tilmaamay tallaabadooda mid aan miisaan weyn lahayn. “Siyaasiyiinta nin laba saac isku doortay u hambalyeeyay waxa ay haayeen, haddii ay intaas ahayd, barasho wanaagsan ayaan leenahay,” ayuu ku daray. Inkasta oo uu dhaliilay madaxweynihii hore Koonfur Galbeed, haddana Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu xusay in Lafta Gareen uu door muhiim ah ka soo qaatay guulaha dowladda Federaalka, sida dadaalladii deyn cafinta, dhammeystirka dastuurka iyo hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod. Ugu dambeyn, Xamsa Cabdi Barre ayaa sheegay in shacabka Koonfur Galbeed ay heli doonaan hoggaan ay si toos ah u doortaan, taasoo qayb ka ah qorshaha dowladda ee dimuqraadiyeynta dalka.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

WASIIRO KA TIRSAN XUKUMADII LAFTAGAREEN OO SOO DHAWEEYEY CIIDAMADA DFS.

Next
Next

HAWEEN SOOMALIYEED OO SOO XADAY CARUUR OO KENYA..