(ROME):MARAYKANKA IYO IRAAN OO WADA HADAL UGA FURMAY..

(SAWIRKA)-CALAMADA MARAYKANKA IYO IRAN.

(ROME)-Wararka laga helaayo caasimadda dalka Talyaaniga ee Rooma ayaa sheegaayo in halkaasi uu ka bilawday maanta oo sabti ah wareegii labaad ee wada xaajoodka aan tooska ahayn ee u dhexeeyo dalalka Maraykanka iyo Iraan kuna saabsan Barnaamijka Nukliyeerka ee dalka Iraan,sida ey sheegtay warbaahinta dalka Iraan. Wakaaladda Wararka rasmiga ah ee dalka Iraan ee IRNA ayaa sheegtay in Wasiirka Arrimaha Dibadda dalkaasi Md.Cabaas Caqraji uu gaaray magaaladda Rooma ee dalka Talyaaniga horaantii maanta oo Sabti ah si uu u hogaamiyo wafdiga dalka Iraan uga qeybgelaayo wada hadaladda looga gol leeyahay in looga hadlo Barnaamijka Nukliyeerka ee Jamhuuriyadda Islaamiga ah iyo joojinta cunaqabateynta Maraykanka ee dalka Iraan. Wada xaajoodyadaan ayaa waxaa martigelineysa Safaaradda dalka Cumaan ee caasimadda Rooma,ka dib markii wareegii 1-aad ee wada hadaladda todobaadkii hore lagu qabtay magaaladda Masqat ee ah caasimadda dalka Cumaan. Madaxweynaha dalka Maraykanka Donald Trump ayaa dhawaan ugu hanjabay dalka Iraan inuu duqeyn doono haddii ey ku guul dareysato iney heshiis la gaarto dalka Maraykanka,heshiiskaaso ku saabsan Barnaamijkeed Nukliyeerka,taaso keentay in Iraan ey si weyn uga falceliso. Dalka Iraan ayaa iska diiday inuu wada hadallo toos ah la galo dalka Maraykanka balse waxa ey Iraan ogolaatay iney la yeelato wada hadallo aan toos ahayn ey dhexdhexaadiye ka tahay dawladda Cumaan,ka dib markii labada dhinac ey is dhaafsadeen qoraalo.

ISHA ANADOLU.

Previous
Previous

WARBIXIN LAGA QORAY XIRIIRKA DAWLADAHA MARAYAKANKA IYO SOOMAALIYA.

Next
Next

SH/DHEXE: AL-SHABAAB OO QARAX KU HOOBTAY.