REYSAL WASAARE KU XIGEENKII ITOOBIYA OO IS CASILAY.

(SAWIRKA)-REYSAL WASAARE KU XIGEENKA ITOOBIYA EE ISL CASILAY.

(ADDIS ABABA)-Wararka ka imanayo caasimadda dalka Itoobiya ee Addis Ababa ayaa sheegaayo in Reysal Wasaare ku xigeenka isla markaasne ahaay Wasiirkii arrimaha dibadda dalka Itoobiya DEMEKE MEKONNEN uu isaga tegay xilalkii uu u haayey Xukuumadda uu hogaamiyo RW-Abiy Axmed(BAAHANE) ka dib markii uu u adkaysan waayey Xasuuqa badan ee aan kala joogsiga lahayn ee lagu haayo dadkiisa AMXAARADA. DEMEKE MEKONNEN wax uu ahaay Reysal Wasaare ku xigeenkii ugu muddo dheeraay ee dalka Itoobiya isla markaasne haayey xilka Wasiirka Arrimaha dibadda dalka Itoobiya tan iyo Noofembar sannadkii 2020-kii,Demeke ayaa hadda baneeyey labadii xil uu haayey sida ey xaqiijiyeen ilo wareedyo si aad ah ugu dhaw Xukuumadda Abiy Axmed(BAAHANE). Demeke ayaa ahaay gudoomiye ku xigeenka seddexaad ee Xisbiga Barwaaqo-sooranka ee Xisbiga talada haya ku metelaayey garabka Amxaaradda ayaa maanta ka tegay xilkii xisbiga uu ka haayey waxaane lagu bedelay Temesgen Tiruneh oo ahaay Agaasimaha Guud ee hayadda Sirdoonka iyo Nabad sugida Qaranka(NISS).

ISHA/ADDIS STANDARD.

HALKAN KA SI AKHRISO.

Previous
Previous

AMB.MUKHTAAR OO AFLAGAADEYEY SOOMAALIYA.

Next
Next

MW-XASAN: “DOOD DAMBE KAMA FURNA DASTUURKA”.