REYSAL WASAARAHA ISRA’IIL OO MAXKAMADA TEGAY.
(SAWIRKA)-MAXKAMADA ISRAEL.
(TEL AVIV/ISRAEL)-Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Benjamin Netanyahu ayaa Isniinta maanta ah markii ugu horreysay ka soo hor muuqday Maxkamadda degmada Tel Aviv tan iyo markii uu cafis ka dalbaday Madaxweyne Isaac Herzog oo lagu eedeeyay dacwad musuqmaasuq.
Axadii, Netanyahu ayaa Madaxweynaha Israa’iil ka codsaday in laga cafiyo eedeymaha musuqmaasuq ee sannado badan uu ku daba jiray. Codsigan ayaa Israa’iil ka dhex dhaliyay kala qaybsanaan, iyadoo qaar badan oo ka mid ah ay ka soo horjeesteen in la cafiyo ilaa Netanyahu uu qirto dambiga oo uusan ka bixin siyaasadda. Sida laga soo xigtay Channel 12 ee Israel, fadhiga Maxkamadaynta Netanyahu wuxuu bilaabmay Isniinta maanta ah "iyaga oo aan garsoorayaashu ka hadlin codsiga cafiska." Kanaalka ayaa intaa ku daray in Reysal wasaaraha Israa'iil uu codsaday in la baabi’iyo muuqaalkiisa Maxkamadda Talaadada, isaga oo tixraacaya "jadwalada diblomaasiyadeed iyo amniga." Garsoorayaasha ayaa sheegay in ay tixgalin doonaan codsigaasi, ayuu yiri baahinta. Netanyahu waxa uu marar badan damcay inuu joojiyo ama soo gaabiyo fadhigiisa maxkamadda, isagoo u sababeeyay socdaal, arrimo amni iyo arrimo siyaasadeed, ama inuu ku mashquulsan yahay ololaha milatari ee Israa’iil ee labada sano ah ee Marinka Gaza. Netanyahu, oo maxkamadeyntiisu bilaabatay May 24, 2020, waa hoggaamiyihii ugu horreeyay ee Israa'iil ah ee xilka haya ee u istaaga eedaysane dambiile ah taariikhda waddanka. Waxa uu wajahayaa saddex kiis oo kala duwan oo musuqmaasuq ah, kuwaas oo dhammaan Raysal wasaaraha Israa'iil uu beeniyay. Raysal wasaaraha Israa'iil ayaa sidoo kale wajahaya eedeymo la xiriira dambiyo dagaal iyo dambiyo ka dhan ah aadanaha, iyadoo Maxkamadda Caalamiga ah ee Dambiyada ee ICC ay soo saartay amar lagu soo xirayo isaga iyo wasiirkii hore ee difaaca Yoav Gallant bishii Nofembar 2024 ee ku saabsan tacaddiyada Gaza, halkaas oo in ka badan 70,000 oo qof, oo u badan dumar iyo carruur, lagu dilay tan iyo Oktoobar 2023.
XIGASHO-AA.