RAG SOOMAALI AH OO LAGU XUKUMAY MARAYKANKA.
(SAWIRKA)-WARIYE MICHEAL.
(NEW YORK)-Laba nin oo Soomaali ah ayaa lagu xukumay min 30-sano oo xariga ah ka dib markii ey afduub iyo xarig ey u geysteen Wariye aslakiisu yahay Jarmal balse haysta dhalashadda dalka Maraykanka. Cabdi Yuusuf Xasan iyo Maxamed Tahliil Maxamed ayaa ahaa “Ciyaartooy Muhiim ah” ama door fiican ku lahaay afduubkii ey Burcadbadeeda u geysatay Micheal Scott Moore kaaso la haystay in ka badan laba sano sida ey saraakiishu sheegeen. Dacwad oogayaasha ayaa labada nin ee Soomaalida ah ku eedeeyey iney yihiin Burcad-badeed kuna xukumay min sodon sano oo xarig kuwaaso sannadkii 2012-kii afduubay wariye Maraykan ah,waxa uuna wariyuhu afduubnaay muddo dhan laba sannadood. Cabdi Yuusuf Xasan iyo Maxamed Tahliil Maxamed oo xilal ka soo qabtay dalka Soomaaliya waa “kuwii kaalinta ugu muhiimsan ka qaatay afduubkii lagula kacay Wariye Micheal Scott Moore” ayuu yiri Damian Wiiliams oo ah Qareenka Maraykanka ah ee degmada Koonfureed ee Gobolka New York ee dalka Maraykanka.
ISHA-NBC.