QAXOOTIGII REER CIRAAQ OO DIB U LAABTAY.
(BELARUS):Wararka ka imanayo xuduuda u dhexeeyso dalalka Belaruus iyo Boolan ayaa sheegaayo in la nadiifiyey xerooyinkii eey ku sugnaayeen dadka megengalyo doonka ahaay ee ka yimid wadamadda bariga dhexe gaar ahaan dalalka Ciraaq,Suuriya iyo Yaman,dadkaan ayaa dalka Beelaruus waxa eey ka soo galeen dhinaca dalka Turkiga waxaane dhacday in shirkadda diyaardaha dalka Turkiga(Turkey Airline) ee soo qaaday dadkaan ineey joojisay ineey qaado mawaadiniinta ka soo jeedo seddexdaas dal sabab la xiriirto dhibaatadda ka taagan xuduududa Beelaruus iyo boolan.Sida eey shalay oo khamiis ahayd sheegtay dawladda Beelaruus waxaa la xiray dhammaan xerooyinkii eey ku sugnaayeen dadka megangelyo doonka ah,waxaane dalkoodii hooyo dib ugu laabtay dad ka soo jeedo dalka Ciraaq kana mid ahaay dadkii ku go’odoonsanaay xuduuda Beelaruus iyo Boolan ka dib markii eey u suurageli weysay ineey galaan qaaradda Yurub.Duulimaadkii ugu horeeyey kana baxa Beelaruus kuna laabta dalka Ciraaq ayaa waxa uu qaaday dad reer Ciraaq ah oo garaayo afar qol boqol iyo sodonk iyo kow(431)-qofood,mid ka mida dadkii ku laabtay Ciraaq una hadlay wakaaladda wararka ee faransiiska(AFP) ayaa sheegay ineey cuni jiree caleenta geedaha qabawga ka jiro goobta lagu haayey dartiis,mid kale oo isna gaaray Ciraaq gaar ahaan Arbiil ayaa sheegay in habka eey ciidamadda Beelaruus ula dhaqmeen dadka megengalyo doonka ah uu ka xun yahay kii Daacish markeey ciraaq joogeen.ISAH WAKALADAHA.