QAXOOTIGA ERITEREEYA OO CABASHA KA AH…
QAXOOTI.
(ADDIS ABABA)-Qaxootiga u dhashay dalka Eritereeya kuna sugan dalka Itoobiya ayaa sheegay in la bartilmaameedsado si looga gaaro go’aan aan sax ahayn qaadashadiisa loogana dan leeyahay in lagu xiro iyo in si xoog ah looga raro halkii eey deganaayeen loona raro qeybo kale kana mida dhulka Itoobiya uuna ka socdo dagaal,in kastoo Qaramada Midoobay u ogolaatay Qaxootiga Eritereeya ineey sii joogaan dalka Itoobiya. Saraakiisha amaanka dalka Itoobiya ayaa lagu eedeeyey ineey isku hareereeyeen Qaxootiga reer Eritereeya ee jooga dalka Itoobiya waane eey ku xadgudbeen una gaysteen xarig aan sharci ahayn,Qaxootiga Eritereeya ayaa dalka Itoobiya ku joogo sifo sharci ah,dhibaatadaan ayaa ayagana loo gaystaa Eritereeyaanka haysta dhalashada dalal kale oo caalamka ah marka eey tagaan Itoobiya.
ISHA WARKA GURDIAN.