QARAX KA DHACAY MASJID KU YAALO DALKA SURIYA.
(SAWIRKA)-MASJIDKA LA QARXIYEY.
(SYRIA)-Ugu yaraan shan qof ayaa Jimcaha maanta ah ku dhintay qarax ka dhacay gudaha Masjidka Imaam Cali Bin Abi Talib ee xaafadda Wadi AL-Dahab ee gobolka Xoms, sida ay sheegtay Wakaaladda wararka ee SANA. Mas'uuliyiinta Suuriya ayaa hadda wada baaritaannada lagama maarmaanka ah si loo ogaado nooca qaraxa. Hay'addu waxay soo xigatay sarkaal ka tirsan Wasaaradda caafimaadka oo sheegay in qaraxu uu sababay "dhimasho shan qof ah iyo dhaawac 21 kale," tirakoobkii ugu horreeyay. Wakaaladda wararka ee SANA ayaa sidoo kale daabacday sawirro laga soo qaaday gudaha masaajidka la beegsaday, mid ka mid ah sawirradaas ayaa muujinayay meel bannaan oo ku taal qaybta hoose ee darbiga oo ku taal gees ka mid ah masaajidka, qiiq madowna wuxuu daboolay qayb ka mid ah derbiga, roogagga iyo buugaagtana way ku daadsanaayeen meel u dhow. Isla markiiba, laamaha amniga gudaha ayaa u dhaqaaqay goobta waxayna ku soo rogeen xayiraad amni agagaarka masaajidka, halka hay'adaha awoodda u leh ay bilaabeen baaritaanka iyo ururinta caddeymo si loogu maxkamadeeyo dambiilayaasha falkan dambiyeedka ah. Kooxaha difaaca madaniga ah ayaa u gurmaday sidii ay u badbaadin lahaayeen dadka dhaawacmay una soo celin lahaayeen meydadka, waxayna sidoo kale ka saareen raadadkii burburka goobta. SANA ayaa horey u soo warisay in saddex qof ay dhinteen, waxaana jiray warar is khilaafsan oo ku saabsan sababta qaraxa. Weriyaha Tv-ga caalamiga ah ee AL-Carabiya ayaa soo sheegay in macluumaadkii ugu horreeyay uu tilmaamay in qalab Qarxa lagu qarxiyay gudaha masaajidka ku yaal Xoms, isla markaana ay socdaan baaritaanno ku saabsan suurtagalnimadaas. Wuxuu intaas ku daray in ciidamada amniga ee Xoms ay go'doomiyeen agagaarka goobta qaraxa uu ka dhacay, isla markaana ay ka hortagayaan cid kasta oo u soo dhawaata. Sarkaal Suuriyaan ah ayaa sidoo kale u sheegay Reuters in qaraxa ka dhacay masaajid ku yaal Xoms uu noqon karo ismiidaamin ama uu sababay waxyaabo qarxo.
XIGASHO-AA.