QARAX ISMIIDAAMIN AH OO KA DHACAY BAKISTAAN.
(SAWIRKA)-GOOBTA QARAXA KA DHACAY.
(PAKISTAN)-Wararka laga helaayo dalka Baksitaan ayaa sheegaayo in ugu yaraan 16 askari oo Pakistaniyiin ah lagu dilay weerar is-miidaamin ah oo ey Mas’uuliyaddiisa sheegatay Talibanka Pakistan, sida ey saraakiil ka tirsan dowladda hoose iyo saraakiisha booliiska u sheegeen Wakaaladda AFP Sabtida maanta ah. Weerarka oo ka dhacay Waqooyi-galbeed Pakistan ayaa sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 29 qof, oo ey ku jiraan 10 ka tirsan ciidamada iyo 19 qof oo rayid ah.
“BAABUURKA SIDA WALXAHA QARXA AYAA LAGU DHUFTAY KOLONYADA”.
"Qof isa soo miidaamiyay ayaa Gaari Walxaha Qarxa laga soo buuxiyay ku dhuftay kolonyo ciidan," ayuu yiri sarkaal ka tirsan Dowladda Hoose ee Degmada Waqooyiga Waziristan ee Gobolka Khyber Pakhtunkhwa. Sarkaal booliis ah ayaa Wakaaladda Wararka ee AFP u sheegay in Qaraxa uu sidoo kale sababay in saqafyada labada guri ey soo dumaan, waxaana ku dhaawacmay lix carruur ah. Dhanka kale, Wakaaladda Wararka ee Reuters ayaa sheegtay in weerar ismiidaamin ah lagu dilay ugu yaraan 13 askari, halka AP ey xustay 8 qof oo dhaawac ah. Sida laga soo xigtay ilo wareedyo AP ah, weerarka ayaa lala beegsaday gaari ciidan oo ku sugnaa Waqooyiga Waziristan xilligii qadada ah. Weerarkan ayaa waxaa sheegtay Garabka isqarxiyay ee kooxda Xafiz Gul Bahadur, oo gacan saar la leh Talibanka Pakistan, sida ey sheegtay AFP. Tan iyo markii Taliban ey ku soo laabatay awoodda Kabul 2021, rabshadaha ayaa si aad ah ugu kordhay Gobollada Pakistan ee xuduudka la leh Afgaanistaan.
XIGASHO-DW.