QADAR IYO IMAARAATKA OO ISKU HAAYO…
KHALIIL XAQAANI.
(KABUUL)-Marka aad aragtid cinwaanka waxaa isla markiiba kugu soo dheceeyso waxa laga hadlaayo waa dalka Soomaaliya oo eey ku hardamayaan khayrdaadkiisa dalalkA Qadar iyo Imaaraatka,laakinse markaan arrinka ma joogto Soomaaliya oo waa dalka Afgaanistaan. Tan iyo bishii Agoosto ee sannadkii 2021-kii talada dalka Afgaanistaan waxaa gacanta ku haayey ururka Taalibaan oo kala wareegay xoogagii uu hogaaminaayey Maraykanka oo halkaas ku sugnaay muddo dhan labaatan sano si eey ula dagaalamaan kooxdii AL-QAACIDDA. Xukunka Talibaan ee dalkaasi Afgaanistaan waxaa soo food saaray caqabado fara badan eey ugu horeeyso isku dhac kaga yimid kooxda DAACISH oo ku sugan gobol ka mida dalka Afgaanistaan gaysatana weeraro culus mararka qaarkood,laakinse intaas waxaa ka sii daran maaligashiga dalka Afgaanistaan oo eey xusul duub ugu jiraan dawladaha ka faa’iideysto dalalka uu la degay dagaalka sida Soomaaliya iyo Afgaanistaan,Qadar iyo Imaaraatka oo danleey lacag leh ah ayaa hadda waxa eey isku hayaaan cidda la wareegeyso maalgashiga Afgaanistaan guranaysana khayraadkooda.
ISHA WARKA MEE.
HALKAAN KA SII AKHRI.