PUNTLAND OO KU FASHILANTAY SIYAASADEYNTA CIIDAMADII G/MUDUG.

(MUUQAALKA)-CIIDAMADII GAALKACYO LAGA QABTAY OO DIB U SOO LAABTAY.

(GARAWE/PUNTLAND)-Puntland ayaa maamulka Galmudug ku wareejisay ciidamo iyo gaadiidkii ay saaka ku qabatay magaalada Gaalkacyo, ka dib wada-hadallo dhexmaray mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac. Labada maamul ee Puntland iyo Galmudug, ayaa ka wada hadlay xaaladda Amniga Gobolka Mudug iyo gaadiidkii ay Puntland gacanta ku dhigtay, waxaana wada hadalkaas ka soo baxay is-afgarad suurto galiyay in ciidamada lagu wareejiyo Galmudug. Galmudug waxay caddaysay in ciidamadan ay ahayeen dhalinyaro loo qoray inay ku biiraan ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, iyadoo sheegtay in ay ku wajahnayeen xero ciidan oo ku taala Gobolka Galgaduud, balse uu dhacay in si ogaal la’aan ah ay ugu gudbeen dhinaca Waqooyiga Gaalkacyo. Sida aan xogta ku helnay Madaxtooyada Puntland ayaa ku amartay laamaha Amniga gobolka Mudug in ay ciidamada iyo qalabkooda ku wareejiyaan maamulka Galmudug, ka dib markii uu dhamaaday wada xaajood u dhaxeeyay labada dhinac. Wasiir ku xigeenka caddaaladda Galmudug, Maxamuud Guure Guuleed ayaa sheegay in ciidamadan ay u badnaayeen dhalinyaro laga qoray deegaannada Galmudug, kuwaas oo lagu diyaariyay gudaha maamulka, loona waday Xananbuure. Inkastoo Puntland iyo Dowladda Federaalka uu ka dhaxeeyo khilaaf adag, haddana Puntland iyo Galmudug waxay leeyihiin xiriir wada shaqaynayd oo dhinaca amniga ah. Arrintaan maanta ka dhacday magaaladda kala qeybsan ee Gaalkacyo ayaa ah mid salka ku heysa Siyaasad iyo magac raadis waayo Ciidamadda ey Puntland sheegtay iney ka tirsan yihiin Ciidamadda DFS ayaa ah kuwa hadda loo diyaarinayey in loo furo tababar ciidan si ey qeyb uga noqdaan CXDS. Ciidamadda ayaa horay waxa ey si Mushaar la’aan ah uga shaqeeynaayeen Dekeda WISIL ee G/Mudug iyaga oo aan qaadan wax Mushaar ah, waxaane hadda loo furi rabay tababar ciidan oo rasmi ah si ey qeyb uga noqdaan CXDS.

ISHA-WAKAALADDO.

Previous
Previous

SOOMAALIYA OO KU DHAW INEY HESHO DIYAARADDA JF-17.

Next
Next

7-KUN CARUUR QAXOOTI AH AYAA KU NOOL XARUMAHA HOLLAND.