ODAYAASHA DHAQANKA XAWAADLE OO KA HADLAY DOORSHADA H/SHABEELE.

(MUUQAALKA)-ODAYAASHA DHAQANKA HIIRAAN.

(HIIRAAN/H/SHABEELE)-Nabadoonada iyo waxgaradka beesha Xawaadle ayaa maanta oo Talaado ah ku dhawaaqay in garoomada ku yaalla gobolka Hiiraan aysan ka soo degi karin masuuliyiin ka socda maamulka Hirshabeelle, illaa laga xallinayo tabashada ay ka qabaan maamulka HirShabeelle. Nabadoonada iyo waxgaradka oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Baladweyne ayaa sheegay in mowqifkoodu uusan ahayn diidmo dowladeed, balse uu salka ku hayo tabasho ay sheegeen inay muddo ka qabaan habka loo maamulayo HirShabeelle iyo sida gobolka Hiiraan loogu metelo maamulkaas. “Annagu dowlad diid ma nihin, cidna ma dulmanayno, mana rabno in nala dulmiyo. Waxa HirShabeelle ka socda garoonkan kama soo degi karaan,” ayay yiraahdaan nabadoonada beesha Xawaadle. Waxay sidoo kale sheegeen in garoomada gobolka Hiiraan ay u furan yihiin shacabka, balse ay ka reebayaan diyaaradaha iyo wafdiyada lala xiriirinayo HirShabeelle, iyagoo si gaar ah uga digay in diyaarado militari laga soo dejiyo garoonka magaalada Baladweyne. Nabadoon Cabdi Muumin Guuleed oo kamid ah nabadoonada beesha Xawaadle ayaa sheegay in dadka reer Hiiraan ay xaq u leeyihiin inay ka tashadaan danahooda siyaasadeed iyo maamulkooda, isagoo ku baaqay in tabashadooda lala fariisto oo wadahadal lagu xalliyo. Wuxuu dhaliilay hoggaankii hore iyo kan hadda ee HirShabeelle, isagoo sheegay in Xawaadle uusan ku qanacsanayn awood qeybsiga siyaasadeed ee loogu qaybiyey hoggaanka maamulka Hirshabeelle. “Waxbaan tabanaynaa, tabasho weyn ayaan qabnaa. Dowladda federaalka ayaan tabasho ka qabnaa, HirShabelle ayaan tabasho ka qabnaa. Tabasho Soomaalinimo ayaan qabnaa. Hanna lala hadlo, xaqa naga maqan ee aan sheeganayno Soomaali ayaan ku leenahay,” ayuu yiri Nabadoon Cabdi Muumin Guuleed. Nabadoonadu waxay ka digeen in gobolka Hiiraan lagu qabto doorasho dadban ama lagu keeno sanduuqyo doorasho iyaga oo aan marka hore heshiis siyaasadeed laga gaarin tabashooyinka. Waxay ku adkeysteen in mowqifkoodu uusan ahayn in dadka ama dowladda laga hor yimaado, balse ay doonayaan in xuquuqda iyo saamiga ay sheegayaan in gobolka Hiiraan leeyahay laga wada hadlo.

ISHA-HOL.

Previous
Previous

DHUL-GARIIR KU DHUFTAY DEGMADA CALUULA.

Next
Next

WASIIRKA ARRIMAHA DIBADDA ALJEERIYA OO KA HADLAY MIDNIMADDA SOOMAALIYA.