NORWAY OO 60-ASKERI KA SAARAYESA BARIGA DHEXE.

(SAWIRKA)-CIIDAMADA NORWAY.

(OSLO/NORWAY)-Afhayeen u hadlay ciidamada qalabka sida ee Norway ayaa Jimcaha maanta ah ayaa sheegay in qaar ka mid ah ciidamadooda gaarayana ilaa 60-ka askari kuna sugan Bariga Dhexe ay u rarayaan Norway iyo sidoo kale dalalka kale ee gobolka sababo la xiriira amniga. Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa Khamiistii uga digay Iiraan inay heshiis ka gaarto barnaamijkeeda nukliyeerka haddii kale ay dhici doonaan "waxyaabo aad u xun", isagoo waqti u qabtay 10 ilaa 15 maalmood, waxayna Iran ku hanjabay inay ka aargudan doonto saldhigyada Mareykanka ee gobolka haddii la weeraro. Norway way diiday inay sheegto tirada askarta ay u guurayso iyo goobaha ay saameysay. "Kuwani waa askar shaqooyin u haya sida tababaridda ciidamada maxalliga ah iyo howlgallo kale," ayuu yiri Gaashaanle Dhexe Vegard Finberg oo ka tirsan Xarunta Wadajirka ah ee Norway oo la hadlay Reuters. "Sida xaaladdu hadda tahay, suurtagal ma ahan inay qabtaan hawlahooda aasaasiga ah, waana sababta aan u rari doonno," ayuu yiri, isagoo intaa ku daray in dalal kale ay sameeyeen tallaabooyin la mid ah maalmihii la soo dhaafay. Norway waxay ciidamo ku leedahay dhowr goobood oo ku yaal Ciraaq iyo waddamada kale ee u dhow. Ciidamadda waxaa ka mid ah cutub ilaalin iyo ilaaliyaal ciidan oo ku sugan Gobolka Ambaar ee dalka Ciraaq iyo shaqlaale ka caawiya hawlgalka ISIS. Marka laga soo tago 60-ka askeri ilaa dersinsaraakiil u dhalatay dalka Norway ayaa ka hawlgasha hawlgalka loo yaqaano UNTSO ee dalalka Masar, Isra’iil, Lubnaan iyo Suriya oo dhammantooda kuwada yaalo madiqadda Bariga Dhexe.

XIGASHO-

Previous
Previous

WAKIILKA QM EE SOOMAALIYA OO SOO DHAWEEYEY WADAHADALKA DFS IYO MUCAARADKA.

Next
Next

HAYADDA WFP OO HAWLAHEEDA JOOJINEYSA ABRIIL.